Garoonka Gaalkacyo oo Amisom lagu wareejinayo kadib murankii G/M & P/L

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar laga helayo ila lagu kalsoon yahay ee ku sugan Muqdishu ayaa sheegeya in uu jiro qorshe la doonayo in garoonka diyaardaha magaalada Galkacayo lagu wareejiyo ciidamada Amisom.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qaybdid ayaa horey u sheegey iney dacwo ka yihiin dowladda Puntland kadib markii loo diidey isticmaalka garoonka diyaardaha Galkacayo, isaga oo kadibna si kooban garoonka ugu xiray hanjabaad.

Murankaan oo sababey in xiisad ka dhex abuuranto Puntland iyo Gal-Mududg ayaa dowladda Federaalka ku dhawaaqdey inay dhexdhexaadineyso dhinacyada isku-haya isticmaalka garoonkaan diyaardaha Gaalkacyo, waxaana dhowaan furmaya wada-hadal.

Cabdi Qaybdiid ayaa doonaya in maamulka garoonkaan lagu wareejiyo ciidamada AMISOM taasoo ah qodobka kaliya ay miiska soo saari doonaan maamulka Galmudug marka wadahadalka labada dhinac uu bilowdo maalmaha soo socda.

Wasiirka duulista iyo hawada dowladda Federaalka Siciid Qoorsheel ayaa la filayaa inuu dhowaan booqasho ku yimaado magaalada Galkacayo halkaasoo la sheegey iney ka bilaami doonaan wadahadal u dhexeeya labada dhinac.

Ma cadda, waxa ay Puntland ka dhihi doonto in Garoonka Gaalkacyo lagu wareejiyo Amisom, hase yeeshee waxaa xaqiiq ah in garoonku shaqeyn karin, haddii aan Galmudug la qancin.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com