UNESCO, CPJ iyo SIMHA oo tababar u soo xiray suxufiyiinta Xamar (Sawirro)

Waxaa Hotelka Maka Almukarama lagu soo gabagabeeyey Tababar Tifaftirayaasha Warbaahinnadda Madaxa bannaan lagu barayo qaabka badbaadada Suxufiyiinta iyo khatarta soo wajihi karto amnigooda.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federalka, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, Danjiraha Somalia uga wakiilka ah Kenya, Maxamed Cali Ameeriko iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka hadlay xiritaanka Seminaarkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Mystaf Dhuxlow oo ka hadlay Waxqabadka Suxufiyiinta Somalia iyo sida loogu baahan yahay inay feejignaan buuxda muujiyaan xilliyadda ay ku sugan yihiin goobaha ay ka jirto amni-xumida.

“Milkiilayaasha Idaacadaha iyo qalabka warbaahinta kale kuwa iska leh waxaa waajib ka saaranyahay in ay ka warqabaan goobaha ay u dirayaan suxufiyiinta oo ay ilaaliyaan nafta wariyaha, saxafigana looga fadhiyo in uu naftiisa ka fekero oo uu iska ilaaliyo meelaha halista leh, oo aysan waxkasta u arkin warka ay raadinayaan” ayuu yiri Wasiir Mustaf Dhuxulow.

Wasiirka waxa uu u mahadceliyey Hay’addaha UNESCO, CPJ iyo SIMHA oo iyagu soo qabanqaabiyey Tababarkaasi , wuxuuna ku booriyey Suxufiyiinta inay ka faa’ideystaan casharadda ay ku baranayaan Tababarkaasi

Xildhibaan Prof. Dalxa ayaa isagana ka hadlay Furitaanka Tababarkaasi, wuxuuna ku dheeraaday hawlaha muhiimka ee ay Suxufiyiinta u hayaan Horumarka Bulshadda.

Waxa uu qiray inay xaallad adag ku shaqeeyaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed, wuxuuna ku booriyey inay taxadar muujiyaan, isla markaana u dhabar adeegaan Hawlaha ay u hayaan Qaranka.

Xildhibaanka waxa uu ammaanay Kaalinta Dalladda SIMHA ugu jirto Horumarinta Saxaafadda Somalia, wuxuuna dhinaca kale ku adkeeyey inay Suxufiyiinta u dhabar adeegaan hawlaha muhiimka ee ay bulshadda u hayaan.

Xildhibaanka waxa kaloo uu ka hadlay Suxufiyiinta Idaacaddaha Shabelle iyo Sky, kuwaasi oo weli xiran, wuxuuna ugu baaqay Xukuumadda Federalka in la sii daayo Suxufiyiiintaas, maadaama Siyaasiyiintii lala xiray horey loo daayey.

Guddoomiye-ku-xigeenka Midowga Suxufiyiinta madaxa bannaan ee Somalia (SIMHA), Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa isagana faahfahin ka bixiyey ujeedada tababarka, isagoo u mahadceliyey Hay’adda QM ugu qaabilsan Waxbarashadda, Dhaqanka iyo Sayniska (UNESCO) iyo Guddiga Badbaadinta Suxufiyiinta ee CPJ oo iyagu maalgeliyey Tababarkaasi, halka ay Hay’adda SIMHA fulinayso Tababarkaasi.

Rug-caddaaga Saxaafadeed ee Yuusuf-garaad Cumar Axmed oo muddo 20-sanno Tifaftire ka ahaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-London ayaa Macallim ka ah Tababarkaasi oo socon doona muddo saddex maalmood.

Tababarkaasi ayaa waxaa ka qeyb galayo ilaa 30 Tifaftire oo ka mid ah Tifaftirayaasha Idaacadaha, Telefeishinnadda iyo Wargeysyadda madaxa bannaan ee ka hawlgala magaalladda Muqdisho.

Guddoomiyaha Midogwa Suxufiyiinta Madaxa bannaan ee SIMHA, Xasan Cali Geeseey ayaa dhinaciisa gabagabdi waxuu u balanqaaday saxafiyiinta in SIMHA ay badin doonto tababaradan nuucaan ah si xal loogu helo saxafiyiinta amni darada khatarta ugu jira.

tababar (10)tababar (12)tababar (13)tababar (4)tababar (6)tababar (7)tababar (8)