Hotelada Muqdisho oo ay ka socdaan kulamo iska soo horjeeda (Xog cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Hoteelada Jazeera, City Plaze iyo Makka Almukarama, ayaa sheegaya in xiligaani ay ka socdaan kullamo iska soo horjeeda oo ay kala qabsanayaan xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka DF iyo tiro wasiiro ah.

Warar hor dhac ah ayaa waxa ay sheegayaan in kulamadaasi ay yihiin kuwo lagu kala taageerayo Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed.

Kullanka ayaa la tilmaamayaa inuu yahay mid Mooshino loogu abuuraayo Ra’isul wasaare C/weli, halka garabka kale ay iyaguna wadaan kullan looga soo horjeedo Xassan Sheekh.

Weli wax natiijo ah kama soo bixin kullamada waxaana la adkeeyay Ammaanka Hoteeladaasi inkastoo kulamada iska soo horjeeda laga mamnuucay saxaafadda.

Si kastaba, wararka waxa ay sheegayaan in mooshinka ka dhan ah ra’iisul wasaare Cabdi Weli uu helayo taageero badan, lagana yaabo in dhowaan baarlamanka la horgeeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com