Xasan oo daboolka ka qaaday sida ay beesha caalamka uga aamin baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Degmada Heliwaa ee Gobolka banaadir, ayaa waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka ay beesha caalamka u bandhigtay baahiyaha Somalia.

Isagoo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in Dowlada Somalia ay ka faa’iideysan la dahay Fursadaha ay ka heleyso Beesha Caalamka.

Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu sheegay in Beesha caalamku ay la fajacsan tahay wax qabsasho la’aanta Bulshada soomaaliyeed, waxa uuna Tilmaamay in Caalamka ay xiligaani ka caga jiidayaan inay wax muuqda u qabtaaan Somalia, maadama ay soomaalida waxqabad la imaan la dahay.

Waxa uu Cadeeyay in Soomaaliya ay ka faa’ideysan weysay fursado badan oo kaga timid ama ay ka heshay Beesha Caalamka, waxa uuna Madaxweynaha ka dhawaajiyay in Beesha Caalamka aysan si dhab ah u aaminsaneyn Madaxda iyo dadka Soomaaliyeed, isagoona xusay in ciladahaasi lagu aamini waayay Soomaaliya ay yihiin kuwa jira.

‘’ Caalamku wuu nagu wareersan yahay waayo waxqabsashada ayaan gabnay, waxaa noolaga baahan yahay inaan dib usoo ceshano kalsoonidii Beesha Caalamka’’ ayuu yiri Xassan sheikh oo intaa kusii daray hadalkiisa in arrinta kalsoonida Beesha caalamka ay kusoo noqon karto Soomaalida oo ka tanasusha waxyaabihii looga barta mudadii burburka iyo isku duubni ay muujiyaan.

Haddalka Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo Beesha caalamka ay aad ugu jahwareersan tahay Mowjadaha Siyaasadeed ee u dhaxeeya DF iyo maamul goboleedyada dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com