Ujeedka wafdi Khaatumo ka socda oo magaalada Muqdisho ku sugan (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan wafuud ka socota maamulka Khaatumo.

Wafdiyadan oo labo mar yimid magaalada ayaa waxaa qeyb ka mid ah hoggaaminaya madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo halka sidoo kale uu magaalada ku sugan yahay madaxweynihi hore Maxamed Yuusuf Indho Sheel.

Ilo wareedyo lagu kal soon yahay ayaa u sheegay Caasimada Online in labada wafdi ay la kulmeen madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaannada ka soo jeeda deegannada Khaatumo.

Madaxweynihii hore ee Khaatumo, Indho Sheel oo ka mid ah mas’uuliyiinta la kulmay madaxda dowladda ayaa sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho isla markaana dowladda ay u muujisay taageero xoog leh sida uu yiri.

Mudane Indho Sheel ayaa xusay in maamulka Khaatumo uu doonayo siddii Soomaaliya loo mideen lahaa arrintaasna ay sabab u tahay colaadda ay ku hayaan maamulada dariska ah ee Puntland iyo Somaliland sida uu yiri.

Wuxuu sheegay oo kale in magaalada Muqdisho ay kula kulmeen dad weyne fara badan oo ah dadka u dhashay deegganada Khaatumo kuwaasoo u muujiyay maamulkooda taageero lixaad leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u aqoonsatay doorashadii ka dhacday deeganka Saaxdheer ee gobalka Sool halkaasoo lagu doortay Cali Khaliif Galer oo horey ra’isal wasaare Soomaalya uga soo noqda.

Maamulka Khaatumo ayaa hadda barakac ku ah deeganno ku dhow dalka Itoobiya kaddib markii deegannada ay ka qabsadeen ciidamada maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com