C/Weli oo qiray in golaha wasiiradiisa uu ku socdo cadaadis dhinac kasta ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa caddeeyay in golaha wasiiradda xukuumadiisa ay wajahayaan culeys ba’an oo kaga immaanaya madaxda dowladda sida yiri.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay xubnaha joogtada ah ee baarlamaanka, waxaana uu yiri “ Waxaan rabaa in halkan aan ka qiro in uu dab dhinac kasta ah uu nagu shidan yahay”

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa yimid wax yer uun markii guddoomiyaha baarlamaanka uu wacad ku maray in sharciga la hor keeni doono wasiirkii hadda kaddib hantida dowladda ku wareejiya shirkado ama shaqsiyaad gaar ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa hadalkaas ku soo beegay iyadoo dhawaan xukuumadda Soomaaliya ay ku wareejisay maamulka dekedda weyn ee Muqdisho shirkad laga lee yahay dalka Turkiga.

Ra’iisal wasaaraha ayaa isla kulankaas baarlamaanka ka raalli galiyay in aan lala socodsiin heshiiska ay la galeen shirkadda taasoo uu yiri wasiirka gaadidka iyo dekeddaha iyo xubno kale oo uu la ballamay ayaa qaladka is kaleh.

Dad badan ayaa aaminsan hadalka ra’iisal wasaaraha in uu muujinaayo culeys lagu hayo xukuumadiisa kaasoo immaanaya madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan xaqiijiyay in uu jirro kala fikir duwanaansho ka dhexeeya isaga iyo ra’iisal wasaaraha balse taas macnaheedu uusan ahayn in guul-darro ku tahay hannaanka dowladnimo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com