Hey’ad caalami ah oo bandow saartay magaalada Muqdisho (FAAH-FAAHIN)

Sana’a (Caasimada Online) – Xuseen Xaaji Axmed oo ah qunsulka xigeenka Soomaalida ee magaalada Caddan ayaa sheegay in hey’adda UNHCR ay bandow saartay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wuxuu ku eedeeyay hey’adda in ay magaalada Muqdisho u aqoonsatahay meel khatar ah oo aan la tagi karin taasna waa caqabad weyn ayuu yiri.

Wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay hey’adda u sheegto magaalada Muqdisho in ay tahay meel la tagi karo oo ammaan ah.

Hadalkan ayuu sheegay Xuseen Xaaji mar ay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qoxootiga ay sheegtay in ay dib u billaabeyso qoxootiga Soomaalida ee dib loogu celiyo dalka Soomaaliya.

Hey’adda ayaa xustay in meelaha dib loogu celinaayo qoxootiga Soomaalida aanu ka mid ahayn magaalada Muqdisho oo ay weli aragto meel khatar ah.

Si kastaba, inta badan dadka doonaya in dib loogu celiyo Soomaaliya ayaa ka yimid magaalada Muqdisho sida uu sheegay qunsul xigeenka Soomaalida ee Caddan.

Yemen ayaa ka mid ah waddamada martigaliyay qoxootiga Soomaalida ee ka cararay dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

Caasimada@live.com