‘’Ma aha in DF ay Puntland & G/Mudug mindiyada isugu dhiibtaa” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ka tirsan golaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Somalia, ayaa sheegay in Khilaafka iyo Dagaalka Maamulada Puntland iyo Galmudug uu sii laba jibaarmaayo.

Waxa uu sheegay in DFS looga baahan yahay inya kala xadeyso Xuduudaha u dhaxeeya Labada Maamul, si uu yiri looga gudbo Khilaafyada.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay arrimaha socda inaysan siyaasad ka madax-banaanayn, waxaana uu hadalkiisa raaciyay Ahmiyada ay Puntland u leedahay in marxaladaan la caddeeyo xaduuda ay deegaan ahaan la wadaagto Galmudug.

Xildhibaan Cabdi Barre waxa uu Dowlada Federaalka u sheegay in aysan macquul aheyn in intaan kabadan ay sii socdaan Khilaafyada iyo hanjabaadaha Labada Maamul xalinteedana ay tahay mid looga baahan yahay DF.

Dhanka kale, waxa uu Tilmaamay in Dowlada looga baahan yahay inay xal raadiso oo aysan mindiyaha isugu dhiibin Labada maamul, wuxuuna ka digay in leysku fiirsado.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com