Garowe (Caasimada Online) – Garyaqaanka Guud ee mamulka Puntland Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa.
Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uusan awood u laheyn inuu magacaabo guddiga xalinta khilaafaadka, oo uu dhawaan kaga dhawaaqay magaalada Garowe.
War kasoo baxay xafiiska Garyaqaanka guud oo lagu tixraacay Dastuurka Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Puntland uu leeyahay awoodda magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka,isagoo la tashanaya ku xigeenkiisa.


Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com