Gedo oo lagu soo bandhigay 3 dagaal-yahan oo isaga baxay kooxda Al-Shabaab

Beled-Xaawo (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Miltariga Soomaaliya ee gobolka Gedo oo kaashanaya maamulka dagmada Beled-Xaawo ayaa soo bandhigay saddex ruux oo ay sheegeen iney kasoo baxeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Raggaan la sheegay iney isi soo dhiibeen waxaa magacyadooda lagu sheegay Maxamed Qani Shide Ibraahin oo watay Qori AK47 ah, Cabdiqadir Ibraahim Cabdullaahi oo watay  Qori AK47 & Cabdicasiis Maxamed Koosaar.

Masuuliyiin ka tirsan gobolka Gedo, taliyaha Ciidamada Sirdoonka Degmada  Beled-Xaawo Cabdiqadir Xuseen Ibraahin iyo taliyaha Ciidamada xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke ayaa kusoo dhaweeyay degmada Beled-Xaawo.

Saddexdaan shaqsi waxey Al-Shabaab u qaabilsanaayeen iney uga shaqeeyaan deegaanno ka tirsan goobollada Jubbooyinka iyo Gedo, balse haatan waxey ku jiraan gacanta ciidanka dowladda.

Dhawr jeer ayey horay u dhacday in dagaalyahanno kasoo baxay Al-Shabaab ay kusoo biiraan ciidanka Dowladda, sidoo kalana waxaa mar dhacday in kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay qudhooda soo bandhigeen rag ay sheegeen iney kasoo baxeen ciidanka Dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah geystay gobolka Gedo, waxaana jiray maalmahii ugu dambeeyay xiisado u dhaxeeya ciidamada Kenya ee aan ka mid aheyn kuwa nabad ilaalinta AMISOM iyo dadka deegaanada xadka labada dal.