Geela Soomaaliya oo halis xoogan ay kusoo socoto

Xoolaha waa kuwa aan ku faano siiba Geela marka Daraasad aan sameeyey Dhawaan oo Kooban waxaan ku ogaadey in Maalin kasta Muqdisho keliya lagu Qalo 110 Neef oo Geela marka Bishii waa Imisa, Sannadkiina waa imisa, ku darso Gobolada kale marka waxa Muuqata Dhibaato weyn oo ku aadan Xaalufinta Geela oo Tarankiisa ay hakiyeen Dagaalada iyo Colaadaha

Cunista Hilibka Geeka waxaa sii badiyey iyadoo dadka Soomaaliyed waayadaan dambe iska Dhaafeen Cunistii Hilibka Lo’ada oo ah Hilibyada aadka loogu jecel yahay dunida marka ma garan karo sababta ay dadka uga door Bideen Hilibka Geela , Maalin dhaweyn ayaa nin Saaxiibkey isagoo ila fadhiya ayaa waxaa Telka loogu soo sheegey in lo hayo Carab Lo’aad

Inta aad u faraxay ayaa Waxaa weydiiyey waxaa uu ka rabo Carabka Lo’aad markasuu inta Afkiisa kala qaadey ayuu yiri “ Nabaradaas ayaa iga soo baxay marka Carabka ayaa ku daaweyn jirey, isagii ayaan maalmahaan raadinayey ” waxaan weydiiyey waa adiga Balansanaya Cararb Lo’aad ma suuqayadaa ka weysey? Inta igu qosley buu yiri “ Ma maantaan u dhibtoon lahaa Hilib Lo’aad iyo Caano lo’aad dadkii baa wax Xun looga sheegey Soomaali Maryooleey wax baa la diidaa la maqley,hadii ay ogaan lahaayen Macaanka Hilibkaas, iyo Daawadiisa waxaa ka sii daran sida uu ugu macaan yahay Busteekiga

Dabar Go’a lagu hayo Geela hadii aan xal loo helin in mar uun waa lagu diimi doono Xoolaha Geela marka Waagii ay Dowlada jirtey waxaa dadka loo qorsheeyey in maalin ay Cunaan Hilib Lo’, maalin ay Cunaan Hilib Kaluun iyo maalin ay Cunaan Hilib geel waa marka ay soo baxeyso Heestii “Cuna Maleyga waa Shey Macaan” marka waxaa Dowlada Federaalka, Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir u sheegayaa in ay dib ugu laabtaan Qorshahaas si loo badbaadiyo xoolaheena gaar ahaan Geela

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk