GEELLE oo shaaciyey inuu walaac ka qabo dekadaha Soomaaliya iyo in kale

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay isbadalka dhaqaalaha ee gobolka Geeska Africa iyo maalgashi lagu sameeyo dekadaha Soomaliya iyo Jabuuti.

Mar uu ka hadlayay horumarinta dekadaha Soomaaliya iyo Eritrea ayuu sheegay in dowladda Jabuuti waligeed ay taageersaneyd inay hesho dekado ay tartan la gasho si suuq wanaagsan loogu helo bariga Africa.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle sheegay in Tartanka dhinaca Dekadaha ah uusan saameyn badan ku lahayn Dekadaha dalka Jabuuti islamarkaana u waanagsanyahay Gobolka.

Dowladda uu madaxweynaha ka yahay ayuu sheegay inay soo dhaweyneyso tartan maalgashi oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah, taasina ay dhalineyso in loo kala hormaro kuwa wanaagsan.

Tartanka dalalka deriska ah ay ugu jiraan suuqa weyn ee Ethiopia ayuu sheegay in Jabuuti ay halkeedii hore ka taagantahay tartankana soo dhaweyneyso.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay Madaxweyne Geelle dib u heshiisiinta Eritrea iyo Jabuuti isaga oo sheegay in dhawaan ay kulmi doonaan Wasiirrada arrimaha dibadda labada dal,kana hadli doonaan khilaafka u dhaxeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com