Geelle oo xog yaab leh oo la xiriirta Al-Shabaab kusoo bandhigay kulankii BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta hortegay xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa jeediyay khudbad uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dagaalka Shabaab.

Geelle ayaa marka hore dardaaran culus u jeediyay xildhibaanada Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan, una shaqeeyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Maanta waxaa si gaar ah loogu baahan yahay in gacmaha la’is qabsado dalka dhibaato ayuu ku jiraa hiil ayuuna ubaahan yahay iyo dad isku hibeeya dantiisa,” ayuu yiri Geelle.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda waddanka, wuxuuna shaaca ka qaaday in uu guul u rajeynayo shacabka iyo dowladda.

“Shacabku wuu kacay idinkuna waxaa tihiin dadkii horkacayey hormuudkiiba tihiin waxaana rajeynayaa inaan aragno waddanka oo xor ah,” ayuu raaciyey madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti oo hadalkiisa sii wata ayaa baarlamaanka ka dhex sheegay in kooxda Al-Shabaab ay la shaqeeyaan khubaro ajnabi oo waddanka kasoo gala dhanka xeebaha, wuxuuna tilmaamay in ay u farsameeyaan qaraxyada ay ka fuliyaan dalka

“Xeebtaa halkaa waxaa kasoo dago dad waayo dadkaas waa khubaro yey khubaro u yihiin?. Khawaarijbey u yihiin inay qaraxa hagaajintiisa ku camal falkiisa intaba ayey la qabtaan,” ayuu markale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha dalka Jabuuti.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay garab istaagayaan dowladda federaalka, ayna ka go’an tahay laga adkaado kooxda Al-Shabaab oo in ka badan 15 sanno dagaal ka wada dalka.

Si kastaba, Jabuuti ayaa qayb ka ah dowladaha ka qayb-qaatay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamo ka joogaan gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.