CC Shakuur oo si weyn u dhaliilay tallaabo muran dhalisay oo ay qaaaday DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo hatan ah Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabooyinka qaaday dowladda Soomaaliya, kadib soo dhoweyntii loo sameeyay madaxweynaha dalka Jabuuti.

Cabdirxamaan Cabdi Shakuur ayaa si weyn u dhaleeceeyay xirnaashaha waddooyinka magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay inay si gaar ah u saameysay shacabka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in madaxdii shalay diidanaa in la xayiro shacabka in iyagu ay maanta sameeyaan sida madaxdii ka horreysay oo kale.

“Suuragal maaha in ay sidii kuwii shalay u dhaqmaan oo dhibka shacabka iska dhega tiraan. Xukunka shakhsi, shakshi beddelay maaha ee waa in qaabka, habdhaqanka, farsamada shaqada loo qabanayo is-beddeshaa, dadkuna dareemaan in loo damqanayo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo war qoraal ah oo soo dhigay bartiisa Facbook-ga.

Halkan hoose ka aqriso:

Tobankii sano ee ugu danbaysay shacabka Muqdisho waxay dhibbane u yihiin waddooyinka la xirayo iyo socodka dadka oo la xannibayo.

Shacabka caasimadda ku dhaqan waxay u badan yihiin xoogsato ku tiirsan shaqo nolol maalinle ah, waxaa jira kuwa dhakhtarka gudaha ah tegaya, ama safar caafimaad ee dibadda u baxaya, kuwo dano kale oo muhiim ah u safraya, hoteello iyo meherado cuntadii ay maalinkaa kariyeen qubaya markii ay waayaan dadkii macaamil ka ahaa, arday baa iskuulkii iyo jaamacaddii ka baaqanaysaa, gacansigii kale ayaa faa’iido badan luminaya.

Hay’adaha amniga qaabilsan halka wax ay yaqaanaan waa in ay waddooyinka xiraan, sababtoo ah xilkooda masuuliyad lagula xisaabtamo kuma larna, mana jiro  cadaadis bulsho oo iska caabinaya takri-falka.

Taas ayaa keenaysa in 10 sano ay xaaladdu sidaan iska ahaato. Madaxda iyo masuuliyinta dalka ee shalay dhibkan ka cabanayey, ama culayskiisa cabirayey maanta iyagaa talada haya. Qaarkood markii xilka loo magacaabay isla xisaabtan ayey noo balanqaadeen.

Suuragal maaha in ay sidii kuwii shalay u dhaqmaan oo dhibka shacabka iska dhega tiraan. Xukunka shakhsi, shakshi beddelay maaha ee waa in qaabka, habdhaqanka, farsamada shaqada loo qabanayo is-beddeshaa, dadkuna dareemaan in loo damqanayo.

Shacabkuna waa in ay awooddooda fahmaan oo danahooda u midoobaan madaxda iyo masuuliyadda Dawladda meel iska saaraan, sida looga rabo in ay Al-Shabaab uga hortagaan, ayey tahay in ciddii awood ku takri-falaysa ka diidaan.