Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda dalka Muslimka ah ee Kosovo iyo dalka Serbia

Pristina (Caasimada Online) – Serbiyiinta Kosovo, ee xannibayey waddooyinka ku yaalla waqooyiga Kosovo muddo 19 maalmood ah, ayaa ogolaaday inay billaabaan inay qaadaan jidgooyooyinka laga billaabo maanta oo Khamiis ah, ayaga oo u hoggaansamay baaqyada Mareykanka iyo Midowga Yurub, si ay u qaboojiyaan xiisadda.

Xiisadda ayaa billaabatay 10-kii December markii Serbiyiinta ay waddooyinka ku gooyeen dhagxaan, si ay uga mudaaharaadaan xarigga sarkaal hore uga tirsanaa booliska oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerarro ka dhan ah saraakiisha booliiska ee isirkoodu yahay Albaaniyiinta.

Kosovo, oo 95 boqolkiiba ah Muslimiin, ayaa 2008 ku dhowaaqday madax-banaani ay kaga go’day Serbia, hase yeeshee Belgrade ayaa diiday inay aqoonsato, waxayna ku dhiiri-gelisay 120,000 oo Serbiyiin ah oo dalkaas ku nool inay diidaan sharciyadda Pristina — gaar ahaan waqooyiga dalkaas oo Serbiyiinta ay ka yihiin aqlabiyadda.

Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vucic, oo Serbiyiinta waqooyiga Kosovo kula kulmay magaalada Raska ee Serbia, ayaa sheegay in hanaanka qaadista dhagxaanta uu billaaban doono Khamiista maanta ah.

“Waa hanaan fog, wuxuuna qaadan doonaa muddo,” ayuu yiri Vucic.

Waxa uu intaas ku daray in Mareykanka iyo Midowga Yurub, oo dhex-dhexaadinaya Belgrade iyo Pristina si loo xalliyo arrimaha taagan ee xiririka labada dal, ay damaanad qaadeen inaan la maxkamadeyn doonin cid ka mid ah Serbiyiinta dhigay xeyndaabyada.

Qaadista jidgooyooyinka ayaa la filayaa inay dejiso xiisadda u dhexeysa Belgrade iyo Pristina.

In ka badna 20 sano, Kosovo ayaa aheyd isha xiisad u dhaxeysa Reer Galbeedka oo taageera madax-bannaanideeda, iyo Ruushka oo taageera Serbia oo isku dayeysa inay xanibto in Kosovo ay xubin ka noqoto ururada caalamiga ah sida Qaramada Midoobe.

Mareykanka, NATO iyo Midowga Yurub ayaa ku baaqay in xakameynta ugu sarreysa laga muujio waqooyiga Kosovo, ayada oo mas’uuliyiinta ay xireen marinkii saddexaad ee xuduudda Arbacadii, islamarkaana xiisadda ay kasii dartay.

Howlgalka NATO ee Kosovo, ee loo yaqaan KFOR ayaa sheegay inuu taageerayo wada-hadallo dhexmara dhammaan dhinacyada si loo qaboojiyo xiisadda, oo ay ku jirto jidgooyooyinka ay dhigeen Serbiyiinta.

Serbia ayaa Isniintii heegankii ugu sarreeyey gelisay ciidankeeda.

Dhinaca kale, Kremlin-ka, oo beeniyey eedeha wasiirka arrimaha gudaha Kosovo ee ah in Ruushka uu ku riixayo Serbia inay xasillooni darro ka abuurto Kosovo, ayaa sheegay in Serbia ay difaaceyso xuquuqda qowmiyadda Serbiyiinta.

Sarkaal hore uga tirsanaa booliska Kosovo oo kasoo jeeda qowmiyadda Serbiyiinta, kaasi oo xarigiisa uu dhaliyey dibadbaxyo rabshado wata oo ay sameeyeen Serbiyiinta Kosovo, ayaa xabsiga laga sii daayey, waxaana la dhigay xabsi guri kadib codsi ka yimid xafiiska dacwad-oogista, sida uu Reuters u sheegay afhayeenka Maxkamadda Aasaasiga ah ee Pristina.

Dejan Pantic ayaa la xiray 10-kii December kadib markii uu weeraray sarkaal boolis ah. Tan iyo markaas, Serbiyiinta waqooyiga Kosovo waxay rasaas is-weydaarsadeen booliska waxayna dhigeen in ka badan 10 jidgooyo, iyagoo dalbanaya in la sii daayo.

Go’aanka maxkamadda ayaa ka caraysiiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kosovo oo ay ku jiraan ra’iisul wasaare Albin Kurti iyo wasiirka cadaaladda Albulena Haxhiu.

“Ma garanayo si aan u fahmo iyo sida ay suurtogal u tahay in qof lagu soo oogay dambi sidaas u culus oo la xiriira argagixisanimo uu u galo xabsi guri,” ayey tiri Haxhiu.

“Aad ayaan u xiiseynaaa inaan arko cidda uu yahay dacwad-oogaha codsigan soo jeedinaya, iyo cidda uu yahay garsooraha ansixiyay,” ayuu yiri Kurti.

Pantic waxa uu ka mid ahaa Serbiyaan badan oo ka tagay booliiska iyo hay’adaha kale kadib markii Pristina ay sheegtay in ay dhaqan galin doonto sharci Serbiyiinta looga joojinayo inay isticmaalaan taarikada baabuurta ee Serbia ay bixisay ka hor kacdoonkii jabhadda ee 1998-99 ee horseeday madax-banaanida Kosovo.

Serbiyiinta ku nool waqooyiga Kosovo, oo weli aaminsan inay ka tirsan yihiin Serbia, ayaa iska caabiyey tallaabo kasta oo ay u arkaan inay ka dhan tahay Serbiyiinta.

Laba marin xudduudeed oo u dhexeeya Serbia iyo Kosovo ayaa la xiray 10-kii December, halka midka saddexaad oo ah kan ugu weyn ee gawaarida xamuulka la xiray Arbacadii, taasoo carqaladeysay safarradii dadka Kosovo ee ka shaqeynayay meelo kale oo Yurub ah, kuwaas usoo laabanayey guryahooda xilliga fasaxa.

Qiyaastii 50,000 oo Serbiyiin ah oo ku nool waqooyiga Kosovo ayaa diiday in ay aqoonsadaan dawladda Pristina ama maqaamka Kosovo ee dal madax-banaan. Waxay taageero ka haystaan Serbiyiin badan oo Serbia ku nool iyo dawladdooda.

Kosovo oo aqlabaiyadda dadka ku nool ay yihiin Albaaniyiin ayaa ku dhawaaqday madaxbannaani iyada oo taageero ka helaysa reer galbeedka, kadib dagaalkii 1998-99, kaasi NATO ay soo faragelisay si ay u ilaaliso muwaadiniinta qowmiyadda Albaaniyiinta.

REUTERS, VOA