Maxay tahay sababta ay Puntland u diiday qaar kamid ah qodobada lagu heshiiyay?

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa iska diiday saxiixa labo kamid ah 5 qodob oo ay ku heshiiyeen dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo ku jiray war-murtiyeedka kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay saq-dhexe lagu soo gabagabeeyay xarunta Villa Soomaaliya.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Saciid Deni uu diiday inuu saxiixo labadaas qodob oo kala ah:- In la Federaaleeyo Garsoorka iyo qodobka kale ee ah Asteynta Awoodaha Heerarka Dowlada oo ku jiray qodobada xalay la shaaciyey ee war-murtiyeedka.

“Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah. Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah,” ayaa lagu yiri war murtiyeedka xalay la shaaciyay.

Haddaba Maxay tahay sababta ay PUNTLAND u diiday qaar kamid ah qodobada lagu heshiiyay?

Puntland oo la hirgeliyay sanadkii 1998-dii ayaa ah maamulkii ugu horreeyay ee aas-aasmay kadib burburkii dowladda dhexe, waxaana loogu yeeraa ‘Hooyada Federaalka’.

Sababta ugu weyn ee ay u diiday qodobadaan ‘ayaa loo arkaa inay la xiriirto dhanka awoodda’, maadaama ay Puntland si goon ahi u maamulato howlaheeda gaarka ah.

Garsoorka

Waxyaabaha ugu weyn ee ay uga hortimid qodobka koowaad oo ah in la federaaleeyo nidaamka Garsoorka ayaa waxaa loo sababeeyay inay dooneyso in garsoorkeeda uu ka madax bannaanaado dowladda dhexe, maadaama dhowaan uun ay sameysatay Maxkamad Dastuuri ah, sida ay qabaan khubarada falanqeeya arrimaha siyaasadda ee gudaha dalka.

AWOODAHA

Qodobka labaad ayaa ah Asteynta Awoodaha Heerarka Dowladda oo ay Puntland diiday, waxayna isu aragtaa sidii dowlad oo kale oo aan la mid aheyn awoodaha ay leeyihiin dowlad goboleedyada la midka ah ee haatan saxiixay war-murtiyeedka la soo saaray.

Ujeedka ay Puntland u qaaday tallaabadan ayaa lagu micneeyay mid ay ku dooneyso inay uga madax bannaanaato dowladda federaalka Soomaaliya oo ay horay marar badan isugu qabteen arrimaha maamulka, sida waxbarashada, ciidamada iyo sidoo kale dhaqaalaha.

Diidmada Puntland ayaa dhanka kale muujineyso inuu hooseeyo xiriirka iyo is fahamka kala dhexeeyo dowladda federaalka uu ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xarig jiidka siyaasadeed ee labada dhinac ayaa soo billowday, kadib doorashadii 15-kii May, wuxuuna banaanka usoo baxay markii uu Saciid Deni waayay kursiga Ra’iisul wasaaraha, kadib markii loo magacaabay Xamza Cabdi Barre oo deegaan ahaan kasoo jeeda dhanka Jubbaland, waxaana tan markaas uu sameynayey dib u garasho siyaasadeed.