Odowaa oo war cusub kasoo saaray qorshaha ciidamada laga soo celiyey Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka milatariga General Odawaa Yuusuf ayaa sheegay in ciidanka lagu soo tababaray dalka Eritrea oo dalka dib ugu soo laabtay todobaadkii hore, ay dhawaan ku biiri doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. 

Diyaaraddii ugu horraysay ee sidday qayb ka mid ah ciidamada lagu soo tababaray Eritrea ayaa 21-kii Bishan December kasoo degtay magaalada Muqdisho, waxaana xigay dhowr diyaaradood oo kale.  

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in illaa hadda ay soo degeen shan diyaaradood oo ciidanka sida, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada ciidamada la keenay. Wararka qaar ayaa sheegaya inay ka badan yihiin 1,000 oo askari tirada askarta hadda Xamar yimid. 

Ciidankan ayaa hadda la gayn doonaan furimaha dagaalka, sida uu sheegay Odowaa. Taliyaha ciidanka xoogga dalka ma uusan sheegin gobolada la gayn doono. Hase yeeshee wuxuu tilmaamay in ciidamadan ay kaalin mugleh ka qaadan doonaan in Shabaab laga xoreeyo dhul badan oo hadda gacanta ugu jira.

Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa horey sheegay in soo noqoshada ciidankan ay muhiimad gaar ah u leedahay umadda Soomaaliyeed iyo wasaaradda gaashaandhigga, ayna dhiig cusub ku biirinayaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. 

Weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sii kordhay iyadoo ciidamadu ay la wareegeen magaalooyin muhiim ah. Alshabaab waxay hadda qarka u saaran yihiin inay lumiyaan guud ahaan gobolada dhexe, sida Mudug iyo Galgaduud. 

Dhinaca kale, dowladda federalka Soomaaliaya iyo dowlad goboleedyada ayaa Muqdisho uga wada tashanaya sidii ay isaga kaashaan lahaayeen dagaalka lagu jiro Al-Shabaab. 

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa dhawaan sheegay in dowlad goboleedyada Shabaabka dhulkooda ay haystaan si degdeg ah looga dulqaadidoono islamarkaana dowladdu aysan marnaba shaqo kale ku mashquulidoonin illaa Shabaab laga nadiifiyo dhulka ay haystaan.