Habeen Agoosto ah 1996, aniga oo saaxiibbo ajnabi ah oo aan wadashaqeyno la soo casheeyay shaqada ka dib, ayaan boorsadeyda garabka ka doontay Xafiiska Laanta Soomaaliga oo ay ahayd in saacado ka hor laga wada rawaxo.
Waxaan yaab igu noqotay in xafiiska ay weli joogaan, Maxamed Cabdullaahi oo ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga, iyo Cabdullaahi Xaaji oo ahaa soo saare sare oo aalaaba aan xilli hore ka rawaxi jiray shaqada.
Midba telefoon ayuu ku hadlayaa.
Waan naxay oo in masiibo dhacday ayaan u qaatay. Nabadi ma jirtaa markii aan weydiiyay ayay ii sheegeen in ay heleen xog ah in uu geeriyooday General Caydiid, si loo hubiyana ay la’ yihiin.
Dhankeyga ayaan shaqada ka galay.
Maaddaama ay xilli dambe u ahayd Muqdisho, waxaan wacay nin jooga London oo xiriirro badan ku lahaa kooxda uu hoggaaminayay General Caydiid.
Wuxuu ii ballanqaaday in uu raadin doono xaqiiqada, haddii uu war sugan helana uu ila wadaagi doono.
Ka dib waxaan wacay dhowr number oo Xamar ah oo uu ka mid yahay weriye Haaruun Macruuf.
Waxaan wacay shakhsiyaad kala jooga Mareykanka, Italy iyo Kenya.
Aniga oo telefoonnadii weli ku guda jira war suganna la’, ayaa telefoonka aan ku hadlayay mid aan ahayn oo isla xafiiska ahi uu soo dhacay.
Cabdullaahi Xaaji ayaa qabtay, in yar ka dibna waxaa uu igu yiri waxaa khadka ku jira nin ku doonaya, markii aan u sheegay in aad telefoon ku hadleysana igu yiri, u sheeg in uu dhigo telefoonka uu ka hadlayo ee uu aniga ila hadlo.
Waa ninkii London oo igu soo laabtay. Wuxuu igu yiri, Caydiid waa dhintay waana hubaal. Ka dib markii uu ii sheegay ninka u xaqiijiyay oo Xamar joogay, waxaan ka qaatay numberkiisa.
Ninkii Xamar joogay wuxuu ii sheegay intii oo kale. Waxaan weydiiyay in uu isagu indhiisa saaray meydka Caydiid oo aan wejigiisa maro ku dadneyn. Wuxuu ku jawaabay maya, laakiin, ayuu yiri Xuseen Caydiid ayaa telefoonkeyga hadda aan kaala hadlayo ka wacay hooyadiis iyo walaashiis oo u sheegay geerida General Caydiid.
Ninkii waxaan ka codsaday in uu telefoonka iigu dhiibo Xuseen Caydiid. Markii uu ii sheegay in uu ka soo tegey, waxaan ka codsaday in uu ku laabto. Wuu ka meermeeray oo wuxuu ii sheegay in uu hadda gurgiisa yimid, xilli dambena ay tahay oo uu berri ku laaban doonay.
Maaddaama aan ninkan isku wanaagsanayn, aakhirkii waan ka dhaadhiciyay qaddar ka dibna wuxuu ila soo hadashiiyay Xuseen Caydiid oo igu yiri, Yusuf, Aabbe Allah ha u naxriisto. Xaqiijin ka dib wuxuu ii sheegay in marka uu waagu baryo Idaacadda laga sheegi doono geerida.
Qiyaastii markii ay tahay habeen barkii xilliga London oo daqiiqado ay wehliyaan ayaan u sheegnay BBC World Service Newsroom, Ka dibna waxaan wargelinnay teamka Network Africa.
Waxay xusuusteydu ii sheegeysaa in ay ahayd 1-da habeennimo waqtiga London ee kuleylaha oo ku beegan labada habeennimo oo Soomaaliya ah markii la sii daayay warka ugu horreeyay ee sugan ee geerida Caydiid.
Sidaas ayay BBC ku noqotay Idaacaddii ugu horreysay caalamka ee xaqiijisa, siina deysa geerida General Caydiid, iyada oo xataa uga horreysay Idaacadda Radio Muqdisho oo ay kooxdiisu maamuleysay.
Warka BBC waxaa ka mid ahaa in Raadiyaha Caydiid saacado ka dib (Waaberiga Muqdisho) uu ku dhawaaqi doono geeridiisa.
Maaddaama uu magaca Caydiid ahaa mid adduunka oo dhan gaaray, isla markiiba hey’adaha wararka ee adduunka ayaa sii faafiyay, Xamar oo hurudda.
Waxay ahayd habeenka keliya ee Newshour Presenterkiisa iyo Editorkiisa habeenkaasi oo wata farsamayaqaankoodu ay iigu yimaadeen Xafiiska Laanta Soomaaliga ee ay Istuudiyaha Laanta iiga duubeen wareysi. Waayo Cabdullaahi Xaaji iso aniga waxaa noo taagnaa Taksi guryaheenna na geeya maaddaama la iga sugayay in aan shaqada soo galo ka hor lixda subaxnimo.
Wareysiga Newshour wuxuu noqday wareysigii koowaad ee ugu yaraan 14 wareysi oo habeenkaas iyo maalintii xigtay la iga qaaday oo ay ku jireen wareysiyo aan siiyay Scotland, Mareykan iyo Koofur Afrika.
Taksigii na qaaday aniga iyo Cabdullaahi Xaaji, raadiyo degaanka London aan dhaafsiisneyn oo ka shidnaa wuxuu sheegay in Caydiid uu dhintay asaga oo tilmaan uga dhigaya dagaalkii uu la galay ciidanka Mareykanka.
F. G.: Sawirku waa Djibouti, 1994. Su’aashaas aan weydiiyay iigama uu jawaabin.
W/Q: Yuusuf Garaad Cumar