Gefefkii uu SHARIIF XASAN Sheekh AADAN galay iyo hogaamintii fashilka ahayd

Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan oo muddo 4 sano ah hogaaminaayey maamulkaas ayaa ku fashilmay hogaamintii maamulkaas maadaama uusan waxba ka qaban sababihii loo doortay oo ahayd in uu ka shaqeeyo danaha shacabka reer Koofur Galbeed iyo hadafkii dowladnimo.

Shariif Xasan oo waqtiga ka dhammaaday ayaan waxba ka qaban arimaha ugu muhiimsanaa ee laga doonaayey maamulkiisa sida:

1. Arimaha Bulshada: Maamulka Shariif Xasan ayaan waxba ka qaban horumarinta waxbarashada deegaanadaas iyo sidoo kale xarumo caafimaad oo lagu daryeelo dadka xanuunada la daaweyn karo u dhimanaya. Waxaa deegaanadaasi ka jira goobo waxbarasho iyo caafimaad oo si gaar ah loo leeyahay oo aan dad badani fursad u heli karin.

2. Arimaha Amniga: maamulka lagu hungoobay ee Shariif Xasan wuxuu ku guul dareystay in uu wax ka qabto dhanka amniga deegaanadaas taasoo ay tusaale u tahay amni darada ka taagan deegaanada KG oo isagaba ku qasabtay inuu diyaarad u adeegsado safaradiisa uu ku tago meelo ka mid ah maamulkiisa. waxaa shacabka ku safra jidka u dhexeeya magaalada Baydhaba ilaa Mogdisho lagu dhibaateeyaa maalin kasta.

3. Dhanka Dhaqaalaha: markaad eegto deegaanada maamulkaas waxay aad ugu tiisan yihiin beeraha iyo xoolaha, maamulka Shariif Xasan wax dhiirageliya uma sameyn shacabka ku tiirsan xoolaha iyo beeraha. Wuxuu sugaa kabka ay Dowladda dhexe siiso iyo inuu u qaraab doonto dalal shisheeye, wixii dhaqaalaha uu ka helo dowladda dhexe iyo dowladaha shisheeye asaga soo ma dhaafaan.

4. Dhanka Siyaasadda: Shariif Xasan intuu raadinaayey dantiisa gaarka ah ayuu ku fashilmay dhanka siyaasadda, wuxuu waqti badan ku lumiyey ka hor imaanshaha siyaasadda dowladda dhexe si uu dantiisa gaarka ah u helo.

Gefefkii uu galay Shariif Xasan Sh. Aadan

1. Bishii November 2014-kii wuxuu lacag la tagay magaalada Baydhabo si uu ugu indha sarcaado dadka duruufaha badan haysta ee deegaankaas uuna u noqdo Madaxweynaha KG.

2. Wuxuu xilligaan noqday Madaxweynaha KG isagoon ku imaan rabitaanka dadweynaha.

3. Wuxuu madax weyne noqday iyadoon Xillibaanadii Golaha Baarlamaanka la soo dhisin si uu u dadajiyo helidda kursigaas.

4. Shariif xasan waxaa 17kii November 2014 soo doortay ergo uu gatay oo gaaraaya 396 qof.

5. Shariif Xasan wuxuu baal maray dastuurka maamulka KG, wuxuuna golaha wasiirada ku soo daray wasiiro dowlayaal aan dastuurku ku jirin.

6. Shariif Xasan wuxuu noqday madaxweynaha kaliya aanan lahayn madaxweyne kuxigeen sidaana xilkiisa ku dhameystay. Tani ah ayaa ah qodob kaloo dastuuri ah oo uu baal maray si uu keligii taliye u ahaado.

7. Shariif Xasan wuxuu gacan adag ku qabtay xillibaanada maamulka KG oo u diiday inay si xor ah u soo bandhigaan ra’yigooda iyo khaladaadka Shariif Xasan, wuxuuna ugu hajabi jiray inuu hakinaayo koontada mishaaraadkooda si uu u cuno qabateeyo.

8. Wuxuu ilba uusan ku eegin dib u heshiisiinta Beelaha Koofur Galbeed oo khilaafaadka iyo Dagaaladu dhex maray.

9. Wuxuu dowladnimada ka dhigay mid ku kooban madaxtooyada, xilliga uu joogana joogta xilliga uu safrana horey u raacda.

10. Shariif xasan weligii kama shaqeyn dan guud ama mid bulsho, wuxuu kaliyoo ka shaqeeyaa dantiisa gaarka ah.

Sidaa daraadeed Shariif Xasan waa shaqsi ku fashilmay hogaanka maamulka KG, waxaase wax lala yaaba ah inuu markale isa soo sharaxo shacabkana wey naceen ee Xillibaanada Koofur Galbeedoow doorta qof mudan xilka madaxweyne, ha dooranino qofaan shacabku rabin hana gadanina damiirkiina oo doorta qof u danqanaaya Bulshashada KG, ka tarjumaaya rabitaankooda kana shaqeynaayo dantooda.

Isbaddal waa lama huraan, Mahadsanidiin

W/Q: Mr. Cabdullaahi Sh. Nuur Maxamed, aqoonyahan Soomaaliyeed
Mogadishu – Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid