QM oo golaha shacabka ka dalbatay arrin muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan looga hadlayay amniga xeebaha Soomaaliya ayaa golaha amaanka ee Qaramada Midoobay waxay ku yeesheen magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Kulankaasi oo ku saabsanaa amaanka xeebaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaaday ka hortagida kooxaha burcad badeeda Soomaalida iyo kaluumeysida Sharci darada ee ka socdo xeebaha Soomaaliya.

Inta uu socday ayaa waxaa  Golaha amaanka ku meel mariyeen in Ciidamada Caalamiga ah ee jooga biyaha Soomaaliya ay muddo 12 bilood oo kale ah ka sii shaqeeyaan, taasi oo ka dhigan inay muddo sanad ah sii shaqeynayaan.

Dhinaca kale Golaga Amaanka ayaa kulankay ku yeesheen New York waxaa ay Golaha shacabka Soomaaliya uga codsadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan u meel mariyaan Xeerka Ilaalada Xeebaha Soomaaliya.

Golaha ayaa sidoo kale codsaday in xeerarkaas ay muhiim tahay in lagu daro la xisaabtanka kuwa dambiyada,Burcadnimada Hubeysan iyo qalaalasaha ka wada biyaha Soomaaliya.

Dhinaca kale Golaha amaanka ayaa bogaadiyay Dowladda Seychelles  oo sameysay Maxkamad u gaara ah Burcad Badeedda,waxaa kale oo uu golaha ka codsaday Waddamada deriska ah iyo Hay’adaha ay u fududdahay in ay ka howlgalaan Soomaaliya in ay Maraakiib dagaal u diraan Biyaha Soomaaliya.

Waxaana ujeedada ay tahay in lala dagaallamo Burcad Badeedda iyo Dambiyada ay geystaan dadka sharci darrada ku ganacsada sida Hubka sharci darrada kaga gudba biyaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com