27 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Gen. Gaafow oo ka hadlay warqad been abuur ah oo lagu faafiyay baraha Bulshada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyihii hore ee Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia Gen. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa si kulul u beeniyay warqado lagu baahiyay baraha Bulshada.

Gen. C/llaahi Gaafow, ayaa beeniyay warqada lagu faafiyay baraha Bulshada waxa uuna tilmaamay in warqadaasi lagu faafiyay in loo magacaabayo Taliyaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha.

Gen. C/llaahi Gaafow ayaa carab dhabay in shaqsi ahaantiisan uu garanaayo kuwa ka danbeeya faafinta warqadahaasi been abuurka ah, waxa uuna intaa raaciyay in kuwaa ay ku sugan yihiin Hoteelada iyo Madaxtooyada Somalia.

Arrin aad u nasiib daran ayuu ku tilmaamay in magaalada lagu faafiyo Warqad been abuur ah oo hadana lagu dul saxiixay Ra’isul wasaaraha, isagoo dalbaday in tallaab laga qaado kooxaha arrintan ka dambeeyay.

Gen. C/llaahi Gaafow, ayaa ku baaqay in laga hortago shaqsiyaadka faafiya Warqadaha been abuurka ah ee lagu dul saxiixo Madaxda dalka.

Dhinaca kale, Gen. C/llahi Gaafow ayaa Madaxda ugu sareysa dalka ugu baaqay inay il gaara ku eegaan Warqadaha dhex qulqulaaya magaalada ee been abuurka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News