Gen. Xirsiile oo ku adkeystay inay sharci aheyd bukaankii uu Isbitalka kala soo baxay

Muqdisho (Caasimadda Online) – General Maxamed Sheekh Cumar (Xirsiile), Taliyaha Xabsiga Dhexe Xamar ayaa waxaa uu ka hadlay shaqo joojinta uu ku sameeyay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ka dib markii lagu eedeeyay in maxbuus xanuunsanaa uu ka soo saaray isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta, G/sare Cabdikhani Maxamed Khaliif oo Arbacadii Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Taliska Asluubta uu shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Xabsiga Dhexe, lana magacaabay guddi baaritaan ku sameeya arrintaasi, dibna ay ugala soo wadaagi doonaan wixii ka soo baxa shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Qarankaba.

Taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo tallaabada shaqada joojiyay, isla-markaana uu diyaar u yahay in uu sharciga wajaho, waa haddii wax khalad/dembi ah lagu helo.

Taliyaha ayaa tilmaamay inuu ilaaliyay shuruucda Ciidamada Asluubta, isla-markaana uu si sharciya kula dhaqmay maxbuuska, isaga oo aan ogayn laga kaxeeyay Isbitaal Martiini, lana geeyay isbitaal kale oo gaar loo leeyahay.

Taliyaha ayaa xusay marka ay xanuuno la soo dersaan maxaabiista in uu sharciga dhgayo in lagu daweeyo isbitaalada ay maamusho dowladda, oo aan la gayn karin isbitaalada kale ee gaarka loo leeyahay.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Xasan Kurtun Calasow ayaa wuxuu ku xukunaa sideed sano oo loogu xukumay fal burcadnimo. Taliyaha ayaana sheegay in uu ka hortagey in ninkaasi laga fakiyo gacanta sharciga.

General Xirsiile ayaa warkan ku sheegay qoraal uu walaalkii ka soo xigtay, oo bulshada lagula wadaagay shabakadaha ay dadweynuhu ku wada xiriiraan.

Dowladda Federaalka ayaa dhaliil xoogan kala kulantay dadka wax ku qora barraha bulshada, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in maxbuus xanuunsanaa loo diiday in lagu daweeyo isbitaal ka madaxbannaan kuwa dowladda.