Ujeedada wafdiga beesha caalamka ee Hargeysa iyo waxa kasoo baxay kulankii Muuse Biixi + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wafdi ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo safiirka midowga yurub Amb. Nicolas Belanga Martinez.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo ay ka mid yihiin qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, xallinta khilaafka guddida doorashooyinka qaranka iyo taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay ku taageeraan Somaliland.

Ugu danbayn Madaxweyne Biixi wuxuu u sheegay wafdiga inay xukuumadda ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinku marka ay axsaabta qaranku isla meel dhigaan suurta-galnimada doorashooyinka farsamo ahaan iyo sharci ahaan, sidoo kale madaxweynuhu wuxuu sheegay in gogoshii uu u fidiyey labada xisbi mucaarid ay halkeedii taallo.

Waxaana Madaxweyne Biixi ku wehlinayay kulankaasi Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici, shir-guddoonka guurtida iyo wakiillada iyo ku xigeenadooda, Wasiirka horumarinta maaliyadda, Wasiir kuxigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha iyo La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Doorashooyinka.

Halka dhinaca Wafdigana Safiirka midawga yurub, Amb Nicolas Berlanga Martinez, waxa ku wehelinayey Safiirka Talyaaniga Amb. Alberto Vecchi, Safiirka Jarmalka Amb. Annett Guenther iyo masuuliyiin ka socday Netherlands, Finland, Poland, Austria, IGAD iyo Denmark.

Wafdigan ka socda Beesha caalamka ayaa shalay soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kuwaasi oo kulamo la yeeshay guddigii dhex-dhexaadineysay khilaafkii baahsana ee ka aloosna Xisbiya mucaaridka iyo Xukuumadfa Muuse Biixi.

Wakiiladan Beesha caalamka ayaa talaabada lagu soo afjarayo khilaafka ka aloosan doorashooyinku ku tilmaamtay mid tusaale fiican u noqon karta qaabka ay uga howl-galeen guddida dhex-dhexaadintu.

Waxa sidoo kale ay bogaadiyeen Wafdigan oo kulan la qaatay guddiga dhex-dhexaadinta, sidii ay xisbiyada Somaliland uga jawaab celiyeen go’aankii ay soo saareen guddidaasi oo looga gol lahaa sidii loo damin lahaa xiisada ka dhexd aloosan Muuse Biixi iyo Mucaaridka Somaliland.

Guddiga dhex-dhexaadinta oo warbaahinta uga warbixisay kulankaasi ayaa sheegay inay Wafdigan uga warbixiyeen go’aamada ay ka soo saareen xalinta khilaafkaasi, oo ku qotomay daminta xiisada ka dhalatay muddo kordhinta golaha wakiilada iyo Komishanka cusub ee loo dhaariyay xilka.

Guddida ayaa sidoo kale waxa ay mahad celin balaadhan u jeediyeen saddexda xisbi iyo xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi sidii ay u aqbaleen go’aamadii ay ka soo saareen daminta xiisada ka dhalatay doorashooyinka.

Go’aamada ay guddiga dhex-dhexaadintu dhowaan ka soo sareen daminta xiisada Mucaaridka iyo xukuumada Muuse Biixi, ayaa waxa kamid ahaa kala dirida Komishanka cusub ee la wareegay xilka, iyo soo celinta komishankii hore, taasi oo xukuumada Biixi sheegtay inay tahay arrin sharci oo aan laga go’aan qaadan karin, halka xisbiyada mucaaridku aqbaleen kala diridooda.