Ghana oo ciidan soo diraysa Somalia

Accra (Caasimada Online) Sida uu qoray maanta oo Khamiis ah, wargeys ka soo baxa Accra, dowlada Ghana ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamo boolis ah u direyso dalka ku yaalla bariga Afrika ee Soomaaliya.

Madaxa tabbabarka ciidamada loo dirayo Soomaaliya, Fanny Aboagye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadan ay qayb ka qaadan doonaan xoojinta dadaallada nabadda ee ka socda  dalka Soomaaliya.

Ciidamadan oo tiradooda gaareyso 90 askari oo boolis, waxaa loogu talagalay in ay ka shaqeeyaan goobaha ay joogaan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee (AMISOM).

Sida uu sheegay Wargeysha ciidankan ayaa iminka ku tababaranaya xarunta tabbabarka caalamiga ee nabad ilaalinta Kofi Anan ee dalka Chana .

Waxaana  lagu wadaa toddobaadkan in loo soo xiro tababarka, kaasoo uu maalgalinayo xafiiska arrimaha dibadda ee dalka Jarmalka oo kaashanaya wakaaladda iskaashiga caalamiga ah ee dalkaas.

Ms Fanny Aboagye oo ah haweeneyda bixineyso tabbabarkan ayaa xustay in ciidanka la siinayo tababar ku saabsan dhowrista xuquuqda, wacyigelinta dhibaatada miinada iyo taageerada nolosha aasaasiga ah.

Si kastaba, waxaa hadda magaalada Muqdisho iyo goobaha ay joogaan ciidamada AMISOM la geeyay ciidamo boolis ah, waxaana ciidamada halkaas jooga ay ka kala socdaan waddamada Nigeria iyo Uganda.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com