25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Giorgio Chiellini: Waxaan ahaan jiray taageere AC Milan Ah.

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Giorgio Chiellini ayaa sheegay inuu haatan 100% uu yahay Juventus ka dib markii uu qirtay inuu yaraantiisii ahaa taageere kooxda AC Milan ah.

Daafacaan adag ayaa ahaa wiil taageera Diavolo, laakiin wax walba ayaa is bedelay markii uu ku biiray Juventus 2005 wuxuuna kooxdiisa ka caawiyey inay dib uga soo kabsadaan fadeexadii Calciopoli.

“Dhib iguma ahan inaan qirto inaan ahaa yaraanteydii taageere AC Milan ah,” ayuu sheegay isagoo la hadlaayey boga muuqaalka ah Juventus Premium Member.

“Laakiin markii aan imid Juve waxaan dareemay inaan jeclaaday funaanadaan waxaana dareemay inaan ka koray wixii aan ahaa waqtigaas.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

- Advertisement -

Read more

Local News