Rio Ferdinand oo laga yaabo inuu sanadka cusub ka tago Man Utd.

Daafaca Manchester United Rio Ferdinand ayaa go’aan ka gaari doona ciyaarta kubada cagta sanadka cusub, sida uu qoray wargeyska Mail on Sunday.

Ferdinand ayaa la rajeynaayey inuu hal sano qandaraaskiisa United ugu kordhiyo laakiin taas ayaa meesha ka bixi karta ka dib markii ay dhaawacyo ka hareeyeen dhabarka sideedii bilood ee dambeysay.

Si kastaba, 34-jirkaan ayaa waxaa xiiseynaya kooxda ka dhisan Bariga dhexe iyo America waxaana soo jiitay inuu ka ciyaaro koox kale oo aan ciyaarin Barclays Premier League.

Ferdinand ayaan wax heshiis ah u saxiixin kooxdiisa hadii uu doonayo inuu sii joogo Old Trafford ama uuba xirfadiisa kusoo afjaro, inkastoo tababaraha United Sir Alex Ferguson uu sheegay inuu rajo ka qabo inuu ciyaaryahankii hore ee West Ham xirfadiisa kusoo afmeero Red Devils.

Waxaa la fahamsan yahay in daafaca qabiirka ah uu doonayo inuu awoodiisa ka hor deyrta inta uusan go’aan ka gaarin xirfadiisa.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jaangoan@yahoo.com

Caasimada – Mogadishu.