Claudio Ranieri oo doonaya inuu la midoobo Frank Lampard.

Frank Lampard ayaa waxaa doonaya tababarihii hore ee Chelsea Claudio Ranieri oo haatan leyliya kooxda Faransiiska ka dhisan Monaco iyadoo uu xidiga reer England isku diyaarinaayo inuu ka tago Stamford Bridge.

Ranieri ayaa Lampard 2001dii kala soo saxiixday West Ham 11 milyan oo ginni xiligaas oo uu macalin u ahaa Blues, Tababaraha Talyaaniga u dhashay ayaana waxaa ceyriyey Roman Abramovich bishii May 2004tii, Lampard ayaana laga yaabaa in isagoo ka hoos ciyaaraya uu kubada cagta ka fariisto.

Ranieri ayaa doonaya inuu Lampard ka faa’iideysto ka dib markii ay kooxdiisa Chelsea ku guul darreysatay inay wadahadal ka furto uu xidigu heshiis cusub ugu saxiixayo.

Wargeyska afka dheer Sportsmail ayaa bishii lasoo dhaafay ogaaday inuu Ranieri xiiseynayo Lampard , Monaco ayaana diyaar u ah inay lasoo wareegto xidigaan hadii ay kooxda Galbeedka London iska dirayaan.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jaangoan@yahoo.com

Caasimada – Mogadishu.