Liverpool oo si aad ah u dooneysa Nicolas Isimat Mirin.

Liverpool ayaa dooneysa daafaca dhexe ee qaranka Faransiiska Nicolas Isimat Mirin, sida uu qoray wargeyska Mail on Sunday.

21-jirkaan ayaa kasoo baxay Akadeemiga Clairefontaine wuxuuna si aan caadi aheyn isugu muujiyey Valenciennes laakiin qandaraaskiisa waxaa ka dhiman 18 bilood oo keliya.

Liverpool ayaa si aad ah isha ugu heysa xidiga kooxda Feyenoord Stefan de Vrij, oo 20 jir ah, laakiin waxaa laga yaabaa in lagu xiro qiimo qaali ah.

Tababare Brendan Rodgers ayaa u baahan kara inuu soo iibsado xidig yaraha Faransiiska ah ka dib markii uu sheegay baahida uu u qabo labada weeraryahan Daniel Sturridge iyo Tom Ince.

Mirin ayaa xulkiisa France ee lagu niinaaso Les Bleus ciyaaartoydooda ka yar 21-jirada u saftay sedax kualn.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jaangoan@yahoo.com

Caasimada – Mogadishu.