Midowga Africa oo xafiiskii Soomaaliya u soo wareejiyay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay Danjiraha dhawaan Midowga Afrika u magacaawday Soomaaliya Mudane Ambassador Annadif Mohamat Salah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu soo dhaweeyay go’aanka Midowga Africa ee ku aadan in xafiiskii Soomaliya ay kula haayeen oo si ku meel gaar ah ugu shaqeenaayay Nairobi, hadda loo  soo raray Muqdisho.

“Go’aanka Midowga Africa da ay xafiiskooda ugu soo rarayaan  Muqdisho waa mid aan soo dhaweynayno” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska Xasan Shiikh ee Muqdisho, iyadoo sidoo kale loogu baahay Ururada Caalamiga ah inay iyaguna xafiisyadooda u soo raraan Muqdisho.

Danjiraha ayaa Madaxweynaha ku wargeliyay inuu xafiiskiisa u suu guurayo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, diyaarna u yahay in uu la shaqeeyo Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ayaa soo dhaweeyay guurista xafiiska Midowga Afrika kuna tilmaamay talaab muhiim ah oo qeyb ka ah hor u socodka Soomaaliya, halkaasna uga baaqay ururada kale ee caalamiga ah in xafiisyadooda ka furtaan Soomaaliya.

“Halkan waxaan u imid sidii aan Madaxweyne Xasan Shiikh isku baran lahayn, shirkii aan yeelanay waxaan diirada ku saarnay Howgalka AMISOM oo muhiim u ah dadka Soomaaiyeed” ayuu yiri Annadif oo saxaafada la hadlay kulanka kadib

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay in Midowga Afrika ay kala shaqeeyaan hirgelinta Lixda tiirar siyasadeed ee dowladda Soomaaliya Tiirarkaas ayaa waxaa ku qoran howlaha ay dowladda qaban doonto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho