Chelsea oo 20 milyan Janaayo ku dooneysa Marouane Fellaini.

Chelsea ayaa 20 milyan oo ginni marka uu Janaayo suuqa kala iibsigu furmo kula soo wareegeysa xidiga qadka dhexe ee kooxda Everton Marouane Fellaini, sida uu qoray Daily Mail.

Fellaini ayaa mid ka mid ah xilliyadiisii ugu fiicnaa ku qaadanaaya Barclays Premier League ka dib markii uu sideed gool u dhaliyey kooxdiisa Toffees 16 kulan oo uu xilli ciyaareedkaan u saftay.

Laakiin Isbuucaan ayuu xidigaani sameeyey fal Akhlaaq xumo ah ka dib markii uu hertiyey daafaca Stoke Ryan Shawcross kulan ka dhacay Britannia Stadium.

Blues ayaase dhegna jalaq u siin doonin iyadoo dooneysa inay xidiga heerka caalami ee dalka Belgium ku kabaan qadkooda dhexe, xilli laga yaabo inuu ka tago halyeeygooda Frank Lampard.

Fellaini ayaa shan sano oo heshiis cusub ah u saxiixay kooxda Goodison Park sanad ka hor, laakiin waxaa laga yaabaa inuu u dhaqaaqo kooxda Stamford Bridge oo dalabyo u dirtay xidigaan.

25-jirkaan ayaa ku biiray Radamel Falcao iyo Theo Walcott oo Janaayo diirada u saaran milkiilaha Chelsea Roman Abramovich.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jaangoan@yahoo.com

Caasimada – Mogadishu.