Istanbuul (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa ku dhawaaqday Maxkamadeynta 8 Askar oo Turkish ah kuwaa oo Afganbiga dhicisoobay kadib u baxsaday Dalka Giriigga.
Dowlada Turkiga ayaa sheegtay inay ku qanci doonto Maxkamadeynta 8 Askari oo ka dhici doonta dalka Giriigga maalinta Khamiista ee soo socoto.
Askartaani ayaa ka qeyb gashay Afgambeigii Fashilmay ee Bartamihii sannadkii hore ka dhacay Turkiga.
Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in Askartaasi ay kamid ahaayen Ciidamadii u kacay Afganbinta fashilantay bishii July 15-dii ee sannadkii hore, kuwaa oo Dowlada Giriigga ka dalbaday Magangelyo Qaxootinimo.
Warbixin kooban oo lagu daabacay Cadadka Wakaalladda Wararka ee The Athens News Agency, ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Giriigga ay go’aan cad ka qaadan doonto Askartaasi, si ay u meelmarto Heshiiska ay wada gaareen Dowladaha Turkiga iyo Giriigga.
Wakaallada ayaa sidoo kale sheegtay in Dowlada Turkiga ay wali ku adkeysaneyso in Askartaasi dib loogu celiyo Turkiga waxaana go’aankaasi fulinteeda laga sugayaa Maxkamada Sare ee dalka Giriigga.
Dowlada Turkiga ayaa sidoo kale, Askar dhowr ah ku Maxkamadeysay dalkeeda kuwaa oo kaalin mug leh ka qaatay Afganbinta Erdogan.
Caasimada Online
Xafiiska Istanbuul
[email protected]

