Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay eeryada Isgooyska Shaqaalaha oo ku dhow xarunta Magareeshinka.
Qaraxa oo laga wada maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in lagu xiray Gaari nooca raaxada ah.
Gaariga Qaraxa lagu xiray ayaa ku baakinaa Wadada geeskeeda waxaana xiliga uu qarxaayay ka maqnaa milkiilaha loogu xiray Qaraxa.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in Qaraxa uu dhaawac kasoo gaaray ilaa laba ruux oo ka agdhawaa Gaariga.
Goobta Qaraxa ayaa waxaa hadda ku sugan Ciidamada Dowlada oo baaritaan ku haya Qaraxa.
Hay’adaha amaanka kama aysan hadal Qaraxa iyo saameynta ka dhalatay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

