28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Maxaa kala qabsaday Michael Keating iyo Shariif Sheekh Axmed?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating oo kulan gaara la qaatay Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga digay in ololihiisa uu u weeciyo kicinta shacabka, sida ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Michael Keating, ayaa Sheekh Shariif xasuusiyay in dalka Somalia uu ku jiro xili kala guur ah, waxa uuna ugu baaqay in ololihiisa uusan ku marin habaabin Shacabka u caaboon helida dowlad Caadil ah.

Sheekh Shariif ayaa dhowaan eedeymo u muuqda aflagaado ku weeraray madaxweyne Xasan Sheekh, ayada dadka qaarna ay ka cabsi qabaan inuu qabyaaladeeyo ololaha doorashada.

Michael Keating, waxa uu Sheekh Shariif tusaale ugu soo qaatay Labadii Wareysi ee ugu danbeeyay kuwaa oo uu la wadaagay Saxaafada, waxa uuna tilmaamay in eedeymaha qaar ee uu jeediyey aysan lahayn meel loo raaco.

Keating, waxa uu Shariif Sheekh Axmed ka dalbaday inuu yareeyo hadalada kicinkara Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna taa bedelkeeda faray in ololihiisa ay noqdaan kuwo xiisad abuuri kara.

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Shariifka ku adkeystay inuu sheegay wax sax ah, isaga oo ku celiyey in Xasan Sheekh uu sameeyey musuq maasuq.

Sheekh Shariif ayaa dhinaca kale Mr Michael Keating ugu baaqay in Beesha Caalamka aysan raali ka noqon in dib u dhac lagu sameeyo Doorashada Somalia, gaar ahaan tan Madaxeynaha ee dhawaan la filaayo inay dhacdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News