28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Cabdiraxmaan Faroole oo weerar afka ah ku qaaday Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in maamulka Somaliland uu ka go’ay Somalia inteeda kale.

Xildhibaan Faroole ayaa sheegay in Somaliland ay kamid tahay maamulada ka jira dalka Somalia, waxa uuna tilmaamay in Somalia aysan kala maarmin oo ay hal tahay.

Faroole ayaa cadeeyay inaanu jirin sharci muujinaaya in Somaliland ay ka madax-banaan tahay Somalia inteeda kale waxa uuna ku baaqay in Hogaamiyayaasha Somaliland ay ka fogaadan wax waliba oo kala geynkara Soomaalida.

C/raxmaan Faroole waxa uu sheegay in Aqalka Sare uu ka shaqeyn doono sida Somaliland looga saari lahaa riyada gooni isku-taaga.

”Adeer Somaliland waxaan u garaneynaa dhul Soomaaliyeed anigu ma orankaro waa dhul aan Soomaali aheyn waayo Somaliland waxa ay kamid tahay maamulada ka jira Somalia”

”Somaliland waxa ay lamid tahay maamulada ka jira dalka ee hoostaga Dowlada Somalia, si taa looga dhabeeyo waxa uu Aqalka Sare ku dadaalayaa sida Somaliland looga qancin lahaa tabashada”

Faroole ayaa sidoo kale sheegay in Gudoomiyaha loo doortay Hogaaminta Aqalka Sare uu kasoo jeedo degaanada maamulka Somaliland taasina macnaheedo ay tahay in Somaliland ay ka mid tahay maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Dhinaca kale, C/raxmaan Faroole ayaa Dowlada Somalia ugu baaqay inay dhameystirto wadahadalada qabyada ah ee u dhexeeya Dowlada iyo Maamulka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News