Go’aano ka kooban 5 qodob oo kasoo baxay shirkii BEELAHA HABAR-GIDIR

London (Caasimada Online) – Kulan ballaaran oo lagu ayidayay Shirka Midnimada Beelaha Habargidir iyo Duduble iyo Maamul u samaynta Gobolada Dhexe ee Mudug iyo Galdaduud ayaa wuxuu ka dhacay Waqooyiga Magaalada London ee Dalka Britain.

Kulankaan ayaa Jimcihii Xalay oo Bisha aheyd 01.08.2014 lagu qabtay Magaalada London, Xaafada Edmonton, waxaana Shirkaas lagu go’aamiyay in la taageero Shirweynaha Habargidir oo ka furmi doona 05.08.2014 Magaallo Madaxda Maamulka Ximin iyo Xeeb ee Cadaado.

Shirka waxaa soo qaban qaabiyay Jaaliyadda London ee Habargidir iyo Duduble. Qayb waynna ka ahayd dadaaladii mudadada dheer soo socday ee lagu go’aansaday in beeshu ay ka shirto si ay uga wadatasho arimaha Habargidir iyo horumarinta deegaankeeda.

Talooyinka ka soo baxay kulankaa ayaa waxay ahaayeen Qodobadan soo socda:

  • In la dhiirigaliyo oo si buuxda loo taageero Shirka lagu qaban doono Magaalada Cadaado 5 Bisha Agoosto ee Sanadkaan
  • In la soo dhaweeyo dadaalada dheeraadka ah ee ku soo kordhay ee dardargalinaya gaaritaanka natiijada iyo ujeedada laga lahaa shirkaasi, oo ay ka mid tahay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, EU, AU, iyo IGAD ay wadaan iyadoo la tixgalinayo lana taageerayo Heshiiskii Madaxtooyadda Qodobadda ku jaan go’an rabitaanka Habargidir ee degta Goboladda Dhexe.
  • In Baaqii Shirka Madaxtooyada ee ku aadanaa in Maamul loo sameeyo Gobolka Mudug iyo Galgaduud la geeyo madasha Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb, halkaasna looga tashan doono wax ku daridda iyo wax ka badalista Qodobaddii lagu saxiixay Madaxtooyadda Soomaaliya (Villa Somalia).
  • In la dhiirigaliyo Nabad kuwada noolaashaha iyo xiriirka suuban ee Soomaalinimadda iyo Islaamnimada ku dheehantahay oo lala yeesho Beelaha Walaalaha ah ee wax ka daga Mudug iyo Galgaduud si loo gaaro ujeedada ah in maamul miradhal ah loo sameeyo Gobolada Dhexe.
  • In la dardargaliyo shirka Cadaado si loo gaaro ujeedo midaysan oo beeshu yeelato si loo gaaro Midnimo buuxda iyo qorshe midaysan oo aan Cidna caqabad ku aheen.

Shirka ayaa ku soo gabagaboobay Jawi wanaagsan iyo is afgarad iyadoo ay Jaaliyada Habar-Gidir ee London ay ku muujisay sida wayn oo ay ugu diyaarsan yihiin Waxqabadka iyo Hormarinta Beesha ay kasoo jeedaan gaar ahaan, guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed oo Walaalaha ah.

Warsaxaafadeed – 02.08.2014
Gudigga Joogtada ah ee Beesha Habargidir, Hawiye – London

Caasimada Online

Xafiiska London

Caasimada@live.com