XASAN SHEEKH oo tagay Addis-Ababa

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud ayaa caawa ku sugan magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, oo uu goor-dhow gaaray.

Xasan ayaa gelinkii dambe ee maanta ka ambabaxay Muqdisho, waxaana uu kusii jeeda Mareykanka, halkaasi oo uu kaga qeyb galidoono, shir ay madaxda dowladda Mareykanka la yeelanayaan Madaxda Qaaradda Africa oo soconaya 4 ilaa 6 bishan.

Waxaa Xasan Sheekh socdaalka ku wehliyay wasiirka arimaha dibadda iyo dhiiri galinta maalgashiga Somalia iyo xubno kale.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa kusii sagootiyay wafdiga uu madaxweynuhu hogaaminayo ee u amba baxay dalka Mareykanka, R/wasaaraha C/wali Sh. Axmed Maxamed, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale.

Xasan ayaa marka hore Addis-Ababa kula kulmaya madaxda dalka Ethiopia, oo kala hadli doona xaaladda Soomaaliya, maadaama Ethiopia ay weli saameyn siyaasadeed oo weyn ay ku leedahay Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Addis-Ababa

Caasimada@live.com