Nin aysan shacabka Muqdisho horey u maqal oo ciidamada DF la dagaalamay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamo kawada tirsan Dowlada Federaalka Somalia ayaa waxa uu Caawa ka dhacay Xaafada Buul-xubey ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka oo socday ku dhawaad Laba Saac ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii ay Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka gaar ahaan kuwa Nabadsugida ee loo yaqaan Alfgrup ay xoog ku galeen Dhismo ku yaalla agagaarka Xarunta Hay’adda UNDP, oo ku dhow Aadan Cadde Airport.

Ciidamada Alfgrup ayaa waxa ay weerar Culus ku galeen Dhismaha Sargaal sare oo lagu magacaabo Cabdi Ileys kana tirsan Ganacsatada Hubka iibiya, balse aysan shacabka Muqdisho horey u maqal..

Inta Dagaalka uu socday ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo gurmad u ahaa Sargaal sare Cabdi Ileys, waxaana sidoo kale la maqlaayay Hubka culculus oo ay gamayeen Ciidamada AMISOM oo iyagu jugta kusoo baraarugay islamarkaana u qaatay in weerarka uu ku socday Xarunta UNDP.

Waxaa iminka Dhismaha iyo gabi ahaan Xaafadaasi ku sugan Ciidamada Alfgrup, Militeriga iyo kuwa Boliska oo iyagu ka cabsi qaba inay la kulmaan weeraro gurmad ah.

Inta la xaqiijiyay Seddex ruux ayaa ku geeriyootay Dagaalka kuwaasi oo u badnaa dad shacab ah oo goobta ku sugnaa wallow laba kamid ah la sheegay inay ahaayen Ciidamada Nabadsugida.

Lama Oga sababta ka dambeysay in Sargaalkaasi lagu weeraro guriga, inkastoo ay warar hoose sheegayaan in lagu heysto iibinta hubka sharci darada ah isagoo ka tirsan Hay’adda Nabadsugida.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com