Boorama (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay go’aan aan la shaacin oo lagu hor istaagayo inuu gudaha deegaanadeeda uu soo galo Ugaaska Beelaha Samaroon, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble, sida ay ogaatay Caasimdaa Online.
Go’aankaasi ayaa gebi ahaanba ka hor imanayey inuu magaalada Boorama usoo gudbo ugaaskaasi, xili uu kasoo tallaabayay xadka dhulka ah ee ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya.
Ciidamo badan oo fulinaya amarkaasi ayaa rasaas ku kala eryay dad badan oo rabay inay soo dhaweeyan ugaaska, xilli ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay qabsoomida doorashooyinka.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, rasaasta ay fureen ciidamadu ayaa sababtay dhaawaca wiil dhalinyaro ah, kaasi oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Barkhad.
Waxaana gudaha gobolka, gaar ahaan Boorama ka bilowday rabshado hor leh oo ka dhan ah go’aankaasi, iyada oo gebi ahaanba ay xiran-yihiin waddooyinka muhiim ah.
Gobolka Awdal ayaa hore u qaadacay in doorasho aan dib u eegis lagu sameyn saami-qeybsigeeda ay galaan, midaasi oo la rumeysan yahay inay arrintaasi ku lug leedahay imaanshihiisa.
Xukuumada Muuse Biixi oo xasaasiyad gaar ah ka qabta in dhaq-dhaqaaq cusub uu ka bilowdo gudaha gobolkaas, ayaa horseed u ah inay gebi ahaanba Somaliland ka mamnuucdo Ugaas Cabdirashiid.