Go’aanka Mursal waxa uu i xasuusisay dhacdadii dhex martay Rory Stewart iyo Mullah Mustafa (Warbixin)

Maanta anigoo meel aan qof ku yara sugayay taagan ayaan mobilkayga yara eegay. Waxaan furay caasimada.com wixii ugu horreeyay oo aan arkayna waxay noqdeen Mursal oo aqbalay mooshin madaxdweynaha xilka looga qaadayo. Anoo wali yaabban si fiicanna uusan warku iigalin ayaan markale furay mise waa mid kale oo dag-dag ah. Waxyaabihii loo cuskaday mooshinka ayaa lasoo qoray. Dhaqso ayaan isha u mariyay laakiin mid aan ku qanco ma arag waayo, inkastoo ay ahayeen dhammaan qodabada la keenay waxay ahaayeen kuwo aan jeclaa in marhore madaxweynaha inta loo yeero su’aalo laga waydiiyo, haddana jid sax looma marin.
Halkii la waraysan lahaa ka dibna go’aan laga qaadan lahaa sheekadi waxay ka billaabatay xil ka qaadis iyo eedaymo meeshi ugu xumayd oo ah qiyaamo qaran. Su’aalo rax-raxan ah ayaa qalbigayga isku cariiyay. Mursal miyuusan ogayn dhibka iyo wareerka siyaasadeed ee arrintaanu keeni karto? Hadii usan dan ka lahayn taasi miyusan ogayn in 184 cod loo baahanyahay si xilka looga qaado madexweynaha? Miyuusan ogayn in tiro konton  gaarayso oo xildhibaanno ah ay dowladda xilal ka hayaan taasoo u muuqato in dowladdu ka gaashaamatay weerar noocaan ah? Sidee wax yihiin, muxuu kaka jeedaa, si kale oo uu ragga isaga dhiciyo miyuu waayay?
Anoo wali jawaab la’ ayaa waxaa igu soo dhacay sheeko aan hadda ka hor buug ka akhriyay oo uu qoray Roray Stewart oo aha siyaasi iyo dublamaasi Ingriis ah marna soo noqday xildhibaan. Stewart wuxuu aad ooga soo horjeedaa dagaalka Afqaanistaan in badanna wuu booqday. Booqashada waxaa u dheer inuu dadka shacabka ah dhex galo, tuulooyinka tago martina u noqday odayaal iyo dagaal oogayaal intaba.
Wuxuu yiri, xilli uu socdaal ku marayay meelaha fof-fog ee dalka Afqaanistaan ayaan marti u noqday mid ah ka mid odayaasha awoodda leh ee dalkaas. Meeshi odayaal iyo culimo kale ayay ku kulmeen wuxuuna marti u noqday nin la yiraahdo Mullah Mustafa oo madaxda iyo cuqaasha aagga ka mid ah. Waxaase yaab iyo argagax iyo lama filaan noqotay inuu Mullah Mustafa isku dayay inuu toogto ninki martida u ahaa. Eebbe waa badbaadiyay dhibna ma gaarin. Stewart wuxuu yiri ma waydiin sababta uu dili rabay iyo waxa uu iga rabay. Shib ayuu yiri wuuna ka tagay.
18 bilood ka dib ayuu markale booqday meeshi lana kulmay Mullah Mustafa. Waa xilli ku hobboon oo colaaddi iyo xanaaqi lasoo dhaafaye, wuxuu ku yiri maxaad igu gashay maalinti aad xabbada igu ridday. Stewart waxaa loo sheegay in Nadir Shaah oo Mullah Mustafa ay ilma adeer yihiin uu ku yiri “waxan sharad ku dhigan karaa inaadan ninkaas cad dili karin” Mullah Mustafa si uu muujiyo inuu yahay libaax aan la caraabin ayuu baas ku furay ninkii uu marti galiyay isagoo wax kale oo dan ah ka lahayn.
Waxaan is iri Mudane Mursal waxaa lagu yiri xaniinyo aad ku aqbashid mooshin Farmaajo ka dhan ma lihid isana si uu muujiyo inuu yahay libaax aan boqol geed ooga leexan ayuu yiri ii keena anaa in tusiye.
Nasiib darrada ku habsatay dalalka dagaalada daba-dheeraaday ay ka jiraan ayaa waxaa ka mid ah inay madax u yihiin dadka ummad dhan masiirkeeda ama qof aan waxba galabsan naftiisa u jara “waxaan ahay ayaan ku tusi”
W/Q: Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com

kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid