Go’aankii Trump ee Qudus oo lalaalay & Golaha Guud ee QM oo hal mowqif yeeshay

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan uu Madaxweynaha Mareykanka ku goodiyay inuu talaabo ka qaadi doono wadamada xubnaha ka ah QM ee ka hor imaada go’aanka Qudus,, ayaa waxaa arrinkaas jawaab ka bixiyay Wadamada qeybta ka ah QM.

Wadamadan ayaa si buuxda uga soo horjeestay hanjabaada Maraykanka iyaga oo u codeeyay qaraar ka dhan ah go’aanka madaxweyne Donald Trump.

Wadamadan waxa ay qaadaceen go’aanka Trump ee uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel, waxaana qaraarka lagu ansixiyay Shirwaynaha Guud ee Golaha Khamiistii.

Waxaa u codeeyay 128 dal waxaana kasoo horjeestay 9 dal, halka 35 dal ay ka aamuseen arrintaan.

Sidoo kale, wakiilada golaha ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay qaraarka inkasta oo maamulka Trump ay isku dayeen inay cabsi galiyaan wadamada ka hor imaaday go’aanka Qudus looga dhigay caasimada Israel.

Maamulka Trump ayaa ayaa ugu caga jugleeyay dowladahaas in ay kaalmada dhaqaale ka jarayaan dalalka xubnaha ka ah golaha ee codkooda uga soo horjeesta go’aankiisa.

Safiirka Maraykanka u fadhiya QM, Nikki Haley, ay ka digtay in ay qaadi doonto magacyada dalalkaas, waxa ayna arrin culeyskeeda leh ku sheegtay talaabada ay qaadayaan wadamadaasi.

Dhinaca kale, Wakhti kooban ka dib codeynta, hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta ayaa ugu yeeray codka guusha ree Falastiin waxayna u mahadcelisay wadamada xubnaha ka ah UN-ta ee diiday in ay taageeraan go’aanka “Trump” inkastoo oo cadaadis badan lagu soo rogay”.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com