25.9 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Gobolka Shabeelleha Dhexe oo guddoomiye cusub loo magacaabay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Digreeto kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa waxaa goordhow lagu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Hogaamiye Cosoble ayaa la tashiyo kala duwan kadib Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe u magacaabay Axmed Meyre Makaraan.

Guddoomiyaha cusub Axmed Meyre ayaa horay u ahaan jiray Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xilalka uu horay usoo qabtay Guddoomiyaha cusub Axmed Meyre Makaraan ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Guddoomiyihii Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Magacaabida Guddoomiyaha Cusub ayaa imaaneysa iyadoo maanta uu Hogaamiyaha maamulka dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabeelle.

Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in caawa uu Hogaamiyaha maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble uu ku dhawaaqo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News