Puntland oo sheegtay waxa uu Farmaajo ka filan karo maamulkooda

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar ”Camey” ayaa ka hadlay wada shaqeynta ay la yeelan doonaan Dowlada Cusub ee Somalia.

Camey, oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha la doortay Maxamed C/llahi Farmaajo uu ka duwan yahay Madaxweynayaashii hore waxa uuna tilmaamay inay la sameyn doonaan wada shaqeyn dhow.

Camey, waxa uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay la shaqeyso Xukuumada cusub ee uu soo dhisi doono Farmaajo waxa uuna meesha ka saaray inay dhici karto khilaaf labada dhinac dhexmara.

Waxa uu tilmaamay in Puntland waligeeda ay raadin jirtay Dowlad ay ku mideysan yihiin shacabka, maadaama Dowlada Farmaajo ay taageero weyn ka heysato shacabka ay si dhow ula sameyn doonaan wada shaqeyn.

”Puntland waxa ay raadin jirtay dowlad ay taageersan yihiin shacabka maadaama ay dowladaasi curatay waxa aan go’aan ku gaarnay inan la shaqeyno”

”Madaxweyne Farmaajo hanaga fisho wada shaqeyn ka duwan kuwii hore maadaama aanu la safanahay shacabka”

Dhinaca kale, Camey ayaa sidoo kale Madaxda Maamul Goboleedyada ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub, islamarkaana ay la yeeshaan xiriir wanaagsan, si dalka hormar loo gaarsiiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com