Wadooyinka Muqdisho oo xiran iyo madaxweyne Farmaajo oo caawa ku wajahan…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo uu goordhow caawa ah booqan doono Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa goordhow gaari doona Isbitaalo ay kamid yihiin Digfeer iyo Isbitaalo kale oo ku yaala eeryada Isgooyska Banaadir oo maanta la gaarsiiyay Dhaawacyo badan oo ku waxyeeloobmay Qarax maanta ka dhacay Suuq kuyaala Xaafada Kaabo Godey ee Degmada Wadajir gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Caawa booqan doona Isbitaalka Madiina oo la geeyay inkabadan 20 dhaawac.

In ka badan 30-qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxaasi aadka u xooganaa , waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad ka badan 40-qof oo qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo aad u culus.

Waxaa xiran waddooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada Makka Al-mukarama oo uu isticmaali doono Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaaya Madaxweynihii ugu horeeyay oo booqda Isbitaalada magaalada Muqdisho xili habeen ah iyadoo saacado un ka hor la geeyay dhaawacyo aad u liita.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com