25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Sawirro: Khasaaraha ka dhashay Qaraxa ka dhacay Muqdisho oo kordhay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Qarax loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu maanta ka dhacay Suuq kuyaala Xaafada Kaabo Godey ee Degmada Wadajir gobolka Banaadir.

Khasaaraha Qaraxaani ayaa ku ekaa Shacab ku ganacsanaayay Suuqa Kaabo Godey waxaana ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen In ka badan 34-ruux oo Suuqa ku ganacsaneysay.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 42-qof oo qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo aad u culus.

Dadka ay waxyeelada soo gaartay ayaa badankooda u geeriyooday dhiigbax iyo Gurmad la’aan kadib markii Qaraxa kadib ay xirmeen waddooyinka gala Suuqa.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku gubtay qeybo kamid ah Suuqa, oo dhowr saac kadib lagu guuleystay damnita dabka, waxaana xusid mudan in dadka ku dhex dhaawacmay Goobahooda Ganacsi qaarkood ay gubteen.

- Advertisement -

Read more

Local News