Xildhibaan sheegay in Farmaajo uu heshiis kula galay xilka ra’iisul wasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu socdo olole loogu jiro xilka ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya musharaxiin sheegtay in xilkaasi loo magacaabi doono, oo ay heshiis kula galeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ololihii doorashada Farmaajo ka qeyb qaatay ayaa laga soo xigtay inuu madaxweyne Farmaajo heshiis kula galay in loo magacaabo xilka ra’iisal wasaaraha

Arrintan ayaan la ogeyn xaqiiqnimadeeda iyo inuu madaxweyne Farmaajo fulin doono haddii uu jiro balanqaadaasi, laakiin xildhibaan Fiqi ayaa la sheegay inuu ka mida ahaa kooxda Aala-Sheekh iyo Xisbiga Daljir oo taageera Farmaajo intii uu musharaxa ahaa.

Kooxda Daljir oo ku kala qeybsanaa doorashada madaxweynaha ayaa tirada ay Baarlamaanka ku leeyihiin aad u yar tahay, mana aha awood cod siin karta ama guul u keeni karta musharax Farmaajo marka laga reebo inay u ololeyn karaan.

Axmed Macalin Fiqi, oo kasoo jeeda beesha Sacad ee Habar-Gidir, horeyna u ahaa agaasimaha nabad-sugidda qaranka xilligii Sheekh Shariif, ayaa ka mida xubnaha u sharxan xilka ra’iisal wasaaraha, iyado ay jiraan xubno kale oo xilkan doonaya.

Musharaxiin dhowr ah oo qaarkood ay kasoo jeedaan beesha Habar-Gidir, qaarna beelaha kale ee Hawiye ayaa loolan adag ugu jira xilkan, waxaana magacaabisteeda ay astaan u noqon doontaa waxa laga filayo dowladda madaxweyne Farmaajo.

Isha: Goobjooge

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com