Gobolo ka tirsan Kenya oo ku dhawaaqay inay gooni u go’ayaan

Momabassa (Caasimada Online) – Kulan Jimcihii Shalay ay isugu yimaadeen qaar kamid ah Xildhibaanada iyo Guddoomiyayaasha deegaanada xeebta saaran ee Kenya ayaa looga hadlay qorshe ismaamul madax banaan looga dhisi lahaa gobaladaasi.

Waxaa kulankan soo qaban qaabiyey Guddoomiyayaasha deegaanada xeebta saaran ee Mombasa iyo Kilifi.

Guddoomiyaha Mombasa Hassan Joho oo isagu marti geliyey 12 xidhibaan iyo Senatorada gobaladaasi laga soo doorto ee ku jira Mucaaridka NASA ayaa sheegay in kulamadan ay horudhac u yihiin halgan cusub oo ay u geli doonaan inay ka goostaan wadanka Kenya oo ay dhistaan dal u gaar ah.

“…Kulamadan waa kuwii ugu horeeyey waxaana bilaabi doonaa kulamo badan oo aan la yeelan doono ururada bulshada, culimada iyo dhalinyarada…”ayuu yiri Guddoomiyaha Mombasa oo sheegay in Dowlada dhexe ee Kenya ay cunaqabateyn ku heyso gobalada xeebta saaran.

Waxaan arragtidaasi mid lamid ah qaba Guddoomiyaha Kilifi Mr.Amason Kingi oo isaguna kamid ahaa qaban qaabiyayaasha shirkaasi.

Xubnahan ayaa sheegay inay wado sharci ah u mari doonaan gooni u goosadkooda iyagoo sheegay inay jiraan caqabado badan oo dhanka sharciga ah balse ay u babacdhigi doonaan.

“…Waxaan hada hawlgelinay Qareeno Caalami ah iyo kuwo kale oo dalka ku sugan oo arrintan nagala shaqeenaya….” ayuu yiri Guddoomiye Joho oo isagu kamid ah mucaaridka ugu waaweyn ee kasoo horjeeda Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Xildhibaanada mucaaridka ah ee laga soo doortay gobaladaasi ayaa sheegay inay sameysteen guddi xildhibaano ah oo arrintan kasoo shaqeeya waxaana kamid ah xildhibaanada kala ah: Owen Baya, Abdulshamad Nassir, Mohamed Faki iyo Mr Madzayo. Kuwaasi oo lagu wado inay mooshin gooni u goosad ah horgeeyaan Baarlamaanka dalkaasi.

Shacabka Muslimiinta u badan ee gobalada xeebta saaran ayaa inta badan ka cawda maamulka dalkaasi Kenya oo ay sheegaan inuusan wax badan oo horumarin ah u qaban gobaladaasi, waxaana arrintan sii xumeysay xiisada ka dhextaagan mucaaridka iyo xisbi xaakimka oo hada dib usoo nooleysay hadal heynta gooni u goosadka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com