Ma anagaa doqon ah, mise sirdoon baa na dulaystay (Raggii aan iska soo raacnay Istanbul)

20/10/2017, Istanbul waxaan Iska Soo raacnay, Rag Caddaan u Badan, kuna see jeeday Muqdisho. Raggaasi Maahayn TURKISH, waxay Wateen wiil Yar Ciyaal JEEGO XIIR ah turjubaan u ahaa, Dadka Maysan Dhex Galayn markaynu Joognay Terminal-ka, Mana Fadhiisanayn oo 2 Saac oo aynu Sugaynay Duulimaadkeena wey taagnaayeen.

Waxaa iiga yaab badnaa raggaasi in sida qolo Fiigsan oo kale ay isu ag joogeen, oo hadba qofka ku soo Biira GATE-keena diyaaradda Laga raacayey weydiinayey Wiilka yar ee La socday.

Waxaynu ahayn dhowr qof oo soo gashay Markaa Gate-ka Istanbul Mogadishu, mar qura ayey inta na soo eegeen, su’aalo weydiiyeen wiilka yar, kadibna inta na soo eegay ayuu la hadlay, waxaan dareemayey in raggaasi aysan rag civilian ama shacab caadi ah aysan ahayn.

Muddo waxaan jeedaalinayey bal waxay raggaani noqon karaan afka isku mudaya ee aad moodayso dad Dhiilaysan, dabcan waana iska garan karay inay arimo ugu socdaan dalka, ama aysan ahayn shaqaale shacab ka shaqeeya dalka, maadaama dalka soomaaliya uusan ka jirin Maalgashi Shisheeye ah, hadduu jirana uu noqon lahaa Turkish Business People. Mana ahayn Turkish Business, waayo dhowr qof oo Turkish oo nala socotay intaan Madaarka joognay ayey Telefano isaga hadlayeen oo hadba reerahooda iyo arimadhooda Gaarka ah ka sheekeysanayeen.

Diyaaradda Markaan Cagta soo saarnay, ee Ticket checking aan galnay, waxay noqdeen BUSINESS CLASS, umana Muuqanayn rag Business XAMAR ugu socday oo qaab ahaan maahayn umana muuqan rag xitaa noloshooda soo Maray dhaqaale. Dabcan waad garan kartaa nin CIIDAN ah iyo nin aan waligiis soo marin.

Qabsashada Business Class, iyo rag aan Gacansato ahayn waxay keenaysaa inay caddahay in ay ahaayeen Ciddan dalka Gudahiisa u socday, cidday doonaanba ha u socdeen, waxay iila ekaayeen rag aad isu ilaalinayey oo diidaya xitaa inay shacabka wax hadal ah is dhaafsadaan, si aan loo ogaan dalka ay yihiin, iyo arimaha ay u socdaan, ama ugu yaraan aan wajiyadooda beri looga garan waxay dalka dhexdiisa ka sameyn doonaan.

Dabeecaddaas markaad eegto waxaad dareemi kartaa in raggaasi is qarinayeen, meeshay doonaanba haka yimaadeen, is qarintoodaasina ay noqon karto rag SIRDOON ah oo arimo xasaasi doonayey inay ka sameeyaan dalka Gudahiisa.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 03-11-2017, oo noqonaysa 14 Cisho ka dib, ayaan Caasimada online ka aqriyey QORMADAN, runtii aad ii dareensiisay inay Noqon karaan raggaasi kuwii aan iska soo raacnay Magaalada Istanbul Dalka Turkey, qofkii raggaasi arkay ee u fiirsaday, iyo dhaqanka Qormadan ku qoran, waxaad muudaysaa inay Dabeecad ahaan iskeenayso.

Dalkeena waxaa sidaan ka dhigay, waa Ciidankeena Aminiga oo aan u arkayn in Ajnabiga uu yahay Mushkiladda ummadda haysata, ee u arkaya inay yihiin kuwa kala shaqeynaya Nabadgalyadooda ama la doonaya khayr-ka. taasoo Illaahay Subxaana Watacaa nagu Filan intuu nooga sheegay.

Sideedaba laba Arin isma qabato, in Qof Cadow kuu yahay, Mid islaam iyo mid Qowmiyad ahaanba kuu neceb, iyo inaad Daawo weydiisato oo DAR ILLAAHAY KUU DAWEEYO. Wax is qaban karo maaha. sidaas darteed baan habeen iyo maalin ugu yeeranaa Cidda dharbaaxa nagu dhufanaysa, kadibna sida Ciyaalna nagu sabaan inay na caawinayaan, oo kadibna iska aqbalnaa.

Dunida dadka ugu Cawaansan, waxaa lagu Xantaa inay yihiin kuwa aan Waxba aaminsanayn ama aan Diin lahayn, ama aan aqoon in Illaah wax la yiraahdo Jiro, haddana kuwaasi ayaan ku liidanaa, oo Markay EEYAHA ay CUNAAN Qalaan ayey HARGAHOODA nooga soo saaraan DHAR iyo KABO aynu XIRANO, Lacagteenana u geynaa, kuna Faraxsanahay.

Waxaad dareemaysaa markaynu dib isu aqrino, inaynu dhankastaba ka dhimanay, Business, Politics, iyo socially, haddana aynaan waqtiba u helin, bal meesha dhibta naga qabsatay iyo cidda nagu dhex waddo hiirtaanyadan nagu raagtay.

waxaa kaliya oo aan aqrinaa waxay Warbaahinta noo sheegto, ayadaana nagu Hagto waxa jira, waxayna noogu dhigaan wararka hadba sida qolada Satellite iska leh ugu soo yeeriso, taasoo ka dhigan marka la saxiixayo Contracts, wixii ay kula soo heshiiyeen.

http://www.caasimada.net/sir-culus-muqdisho-yaa-ku-abaabulaya-shirarka-lagaga-faaloonayo-amniga/

ALLAHA SW hana garan siiyo, Illaahayna ha naga saaro CIQAABTAN, kuwa diinta Illaahay waxay farayso qaatana ha naga dhigo insha allaah.

W/Q: Ibrahim Abdi
hayenasecrets@gmail.com