Sawiro: Labo caruur ah oo ay dhaleen afar aabe oo ku kulmay Ilmo galeenka hal hooyo

California (Caasimadda Online) – Haweeney ayaa xaqiiqsatay iney leedahay Uurkeedii labaad intii ay nooleed, sheekadaan waa mid dhif ah oo si layaa leh kaga dhacday America, waxay sidaa mataano ay dhaleen dhowr rag ah.

Qisadaan qariibka ah ayaa ah, Afar waalid ayaa ku lug yeelatay dhalashada labo caruur ah,  Jessica Allen oo dagan California ayaa uur sidaheeda  ugu deeqday lamaane shiinees ah, inkastoo ay xilliga ay uurka lamaanahaan aqbaleysay ay uur kale u laheyd ninkeeda saxda ah.

Allen ayaa hooyo u aheyd labo caruur ah markii ay aqbaleysay in uursidkeeda lagu beero caruurta ay leeyihiin lamaahan Shiineeska ah, qoyska kireystay caloosha marwo Allen ayaa donayay iney helaan canugoodii koowaad.

Si ay u hesho $30,000, Allen ayaa aqbashay in cirbada lagu sido ukunta seyga Shiinees ah lagu mudo, qaliinkaas ayaana u dhacay si habsami leh oo lagu guuleystay, Allen iyo ninkeeda Ardele Jasper oo arinkaaan u aqbalay si u helaan lacag ka caawisa noloshooda ayaa sidoo kale waxaa jirtay iney Allen ku qancisay seygeeda in gabar waliba oo dunida ku nool ay xaq u leedahay iney hooyo noqoto oo ayna dhadhamiso macnaha hooyonimada.

Uurka Allen ayaa si caadi ah ku socday ilaa mudo 6 todobaad ah laakin dhaqaatiir ayaa ogaaday in marwo Allen ay uurka ku sido labo ugxaan oo kala duwan

Waqtigaas, qof waliba ayaa aaminsanaa in Allen ay sido mataano laakin cidna ma aysan la socon ama ugu  yaraan fahmi karin in xaaladaan ay tahay “Mid aanan caadi aheyn ”

Habkaan ayaa ah mid dhif iyo naadir ku ah Bini’aadamka, inkastoo dumarka ay la wajacaan oo ayna dareemaan xiliga ay sidaan ugxaanta rageed, hadana iney ugxaantii hore oo ay siday ay la qaado ugxaan kale oo cusub ayaa ah qiso kale.

Ka Bini’aadama ahaan, kaliya 10 kiis oo lamid ah arinkaan ayaa la dhigay isbitaalada, inkastoo habkaan aanan caadiga aheyn ee labo ugxaan oo kala duwan ay hal hooyo wada qaado halmar ay caan ku yihiin xayaawanada, si gaar ahna, Jiirka, Fardaha, Idaha iyo Kangaroo.

Inkasoo ay Allen ay si caadi ah ula nooleyd seygeeda intii ay uurka laheyd, hadana waxaa nasiib wanaag lagu guuleystay in ay dhasho canugii labaad oo ay sida kirada ah ugu qaaday qoyska Shiineeska ah.

Todobaadyo kadib, nidaamka baaritaanka dheecanada ee DNA ayaa cadeeyay in mid kamid ah labada caruur ah ay ahaayeen ukumihii ninka sheeneeska ah halka kan kalena uu yeeshay ukumihii seyga Allen

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com