Wararkii ugu dambeeyey shirka DF iyo maamulada iyo isku soo dhawaansho la dareemay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkani uu shir guddoominayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ka qeyb galay wasiirka koobaad ee xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada sida Cabdiweli Cali Gaas, Axmed Ducaalle Xaaf, Shariif Xasan Maxamed Waare iyo Shariif Xasan.

Madaxda ayaa xalay shirar gaar gaar ah lahaa, waxaana laga hadlayay qodobada qaar oo ahaa kuwo la isku mari la’aa, ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxda dowlad goboleedyada ayaa sheegaya inay waxoogaa isu soo dhowaansho ah, balse aan wali la ogeyn wax lagu heshiiyay.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Madaxda ay isku hayeen qodobada qaar oo ka doodistooda ay aheyd mid aad u adag, waxaana taas ay keentay in shirka uu waqti dheer qaato.

Dowladda federaalka iyo maamullada qodobada ay isku hayaan waxaa kamid ah dhaqan gelinta qodobo dastuuri ah oo golaha wasiirrada ay baarlamaanka hor geynayaan, kuwaas oo lasoo sheegayo in madaxda maamullada ay dalbanayaan in loo keeno inta aan baarlamaanka la horgeynin.

Madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa sidoo kale ka wada hadlaya sida loo wajahayo arrimaha ammaanka, dhismaha ciidan qaran iyo sidoo kale dib u eegis lagu sameeyo dastuurka KMG ee haatan dalka u degsan.

Qodobada la isku hayay ayaa ka mid ahaa arrimaha siyaasadda ee khilaafka salka u ah, qeybsiga kheyraadka, arrimaha dib u eegista dastuurka, amniga, iyo kuwa kale.

Wararka ayaa sheegaya in inta aan la isku raacin war murtiyeedka la soo saarayo ay ka horeyso in la xaliyo mushkiladaha ka jira maamul goboleedyada oo qaarkood hesta culeysyo siyaasadeed sida Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Shirka oo ajandayaasha lagaga hadlayo ay ahayd in Seddex cisho lagu soo gebagebeeyo ayaa dib uga dhacay waqtigiisa qodobada la isku hayo oo adag.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com