Maxay Sheekh Shariif ugu kala duwan yihiin Xasan iyo Farmaajo (Qabiil mise wax kalaa jira?)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dadaalkii ugu dambeeyey ku bixineyso sidii meesha looga saari lahaa dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib markii ay ka weysay dano gaar ah oo ay ka laheyd.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa adeegsaneyso siyaasiyiin xilalka kala duwan dalka kasoo qabtay iyo Xildhibaan hore oo ka tirsanaa dowladihii hore ee Soomaaliya soo maray gaar ahaan middii Xasan Sheekh Maxamuud.

Shakhsiyaad ay  adeegsaneyso Imaaraadka Carabta waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo qeyb weyn ka qaadanayo ololahaan, waxaana xusid mudan inuu Sheekh Shariif dhawaan tagay Imaaraadka Carabta isagoo muujinayo inay dowladdaas tahay midda kaliya ee Soomaaliya caawineysay.

Haddaba Waxaa is waydiin mudan maxay tahay sababta keentay inuu shariif Shariif mucaarado dowladda Farmaajo, maxayse Sheekh Shariif ugu kala duwan yihiin Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Sheekh Shariif Waqtigii Xasan Sheekh Maxamuud

Sheekh Shariif waxaa xilka madaxweynimo ee Soomaaliya kala wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib loolan adag oo dhex marayey Labadaan Siyaasi.

Sheekh Shariif markii looga guuleystay Doorashadaas waxaa la xasuustaa inuu gabi ahaanba isaga tagay dalka isla markaasna uusan hal mar soo faragelin siyaasadda Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, illaa laga gaaro ololihii doorashada.

Loolan kasta oo ay la kulmeysay dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud marnaba lama arkin Sheekh Shariif oo ka hadlayo Arrimahaas isla markaasna ka qeybgalayo kulamo looga soo horjeedo Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud.

Sheekh  Shariif iyo Dowladda Farmaajo

Habeenkii uu Farmaajo ku guuleystay doorashadii dhacday 08 February, wuxuu  Sheekh Shariif muujiyey inuu si weyn u taagersan yahay guusha Farmaajo isagoo markaas ka cararayey inuu Xasan Sheekh Maxamuud guuleysto maadaama uusan weli hilmaamin kursigii uu sida lama filaanka ah kaga qaatay.

Guushii Farmaajo kadib, waxaa Sheekh Shariif laga filayey inuusan wax faragelin ah ku sameyn  dowladdda cusub isla markaasna uu sameeyo sidii uu ula dhaqmay dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud markaas oo aan halmar la arag isagoo abaabulayo mucaarad.

Sheekh Shariif sidaas ma uusan sameyn, ee wuxuu si dhab ah oo xaqiiq ah u dhex dabaashay ololaha lagu mucaaradayo dowladda Farmaajo isagoo lasoo saftay dowladda Imaaraadka Carabta oo aan ku qanacsaneyn siyaasadda dowladda cusub oo diiday inay xiriirka u jarto dalka Qatar.

Sheekh Shariif ayaa qeyb weyn ka qaadanayo ololo cusub oo Imaaraadka ay ka bilaabeyso Muqdisho kaasoo lagu doonayo in mooshin looga keeno Madaxweynaha Soomaaliya ama Ra’isulwasasare Kheyre midkii hadba fududaado.

Sheekh Shariif ayaa howshaas wax kala wado Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashidi oo wacad ku maray inuu meesha ka saari dooni madaxweyne Farmaajo isagoo isku arko inuusan aheyn ninkii iibsaday Badda Soomaaliya, sidoo kalana waxaa ololahaan qeyb ka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Mahad Salaad, Odawaa, Faarax Cabdulqaadir iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo daaha gadaashiisa isku qaraniyo.

Cumar Cabdirashiid iyo Sheekh Shariif ayaa si wadajir ah kulamo xasaasi ah kula soo qaatay dalka Imaaraadka Carabta madaxda ugu sareyso ee dalkaas, waxaana lagu heshiiyey qodobo badan oo aan loo soo bandhigin Saxaafadda balse guud ahaan ku saleysnaa sidii loo mucaaradi lahaa dowladda uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxaa Sheekh Shariif ku kalifay inuu Mucaarado dowladda Farmaajo:

Dadka Falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan inay macquul tahay inuu Sheekh Shariif dowladda Farmaajo ku mucaaradayo laba arrin midkood oo ah:

1) Arrin ku saleysan Qabyaalad: Qaar ka tirsan dadka orodoso siyaasadda ayaa aaminsan in mucaaradnimada Sheekh Shariif ay ku dhisan tahay qabyaalad,  Maadaama markaan booska dowladda ay ku fadhiso beesha Darood, gaar ahaan Mareexaan, waxaa loo arkaa arrintaan inay tahay sababta uu Xasan Sheekh u siiyey fursad isla markaasna uusan u mucaaradin.

2) Arrin ku saleysan Lacag: Falanqeeyaasha qaar ayaa aaminsan in Mucaaradnimada Sheekh Shariif ay ku saleysan tahay lacag waali ah oo ay miiska soo saartay dowladda Imaaraadka Carabta.

3) Kursi doono: Halka kuwa kalana ay qabaan inay macquul tahay inuu Sheekh Shariif weli rajo ka leeyahay kursiga madaxtinimo ee Soomaaliya isla markaasna uu doonayo in doorasho kale oo waqtigeeda kasoo hormarto  ay dalka ka dhacdo booskana laga saaro Farmaajo oo hadda aan jirin 8 Bilood.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com